Wasiir Sacad Cali Shire Oo Iclaamiyay Wakhtiga La Bilaabayo Dhismaha Jidka Berbera Ilaa Wajaale

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay heshiiska saddex geesoodka ah ee Berbera iyo faa’iidooyinka uu u keenayo Somaliland, waxaanu sheegay in sannadkan la bilaabayo jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale.

IMG_0487-300x217

Wasiir Sacad, oo waraysi gaar ah uu la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaloo sheegay in hawlihii saldhiga UAE ee Berbera uu meel wanaagsan marayo, hawshuna socoto. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya oo isagu Dawladda Itoobiya wakiil uga ahaa heshiiska saddex geesoodka ahaa, isla markaana heshiiska u saxeexay, waxa uu sheegay in heshiiskan iyo saamiga laga siiyey Dekadda Berbera aanu ahayn aqoonsi ay Somaliland aqoonsadeen, balse uu yahay xidhiidh iyo macaamilka ka dhexeeya Somaliland ee dhinaca horumarinta dhaqaalaha, sidee ayaad u aragtaa hadalkan?

Awalba xidhiidh fiican baa inaga dhexeeyey Itoobiya, oo waanu wada macaamili jirnay, waana wadan aynu jaar nahay, saaxiibna nahay, jaararkeenana inaynu xidhiidh wanaagsan la yeelano waajib baa inaga saaran.

Ma kula tahay in la joogo wakhtigii ay Somaliland ganacsigeeda gaadhsiin lahayd Itoobiya, maadaama oo hadda horumarinta dekedda Berbera laga siiyay saami dhan 19%?

May ee way tahay in Itoobiya iyo Wadamada kaleba aynu wax u dhoofino, laakiin mushkilada inaga ina haysta ayaa waxa weeye wax dad kale ay sameeysteen ayeynu doonana, cunto lama soo baxno, dhar iyo kabo ma sameeysano, waxaynu isticmaalo oo aynu sameeysano aad iyo aad bay u yar yihiin, haddii aynu nahay reer Somaliland waxaynu u baahan nahay inaynu arinkaas wax weyn ka bedelno, haddii aynaan wax soo saarin, oo aynaan wax dhoofin shilinkeenu qiimo yeelan maayo, xoolo ayeynu dhoofin jirnay, xoolihiina wey istaagan, wax kale oo aynu ilaa hadda ku bedelnayna ma jiro,

Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Berbera, buuqii ka dhashay waa kaas ilaa hadda ka taagan Baarlamaanka Soomaaliya. Sideed u aragtaa?

Runtii inuu buuq ka dhex dhaliyo may ahayn, inay diidan iyo inay isku mashquuliyaana midna may ahayn, waxa layaab leh wadan marna ku sheeganayaa, marna waxba ku ogolayn, Dekadaheenana inaga ayaa ka talina ee cid kale kama taliso, Barlamaanka Somaliyana wax uu ka bedeli karaa arinkan ma jiro, Dawladda Itoobiyana halkii bay ka taagan tahay Mashruuca Dekadda Berbera iyo dhismihiisa.

Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee la filaayey inay bilaabmaan, waxaad sheegteen inaad hakiseen. Wada hadalada miyaa la hakiyay oo keliya mise Somaliland way ka baxdayba?

Inagu heshiisyada kamaynaan bixin oo wada hadalka kamaynaan bixin, laakiin ilaa uu yimaado jawi aynu ku wada hadalno, oo aynu wax meel isla dhigi karno, ma bilaabi karno, madaama ay waji iyo jawi colaadeed ay muujiyeen, maxaaba lagu wada hadlayaa haddii qofka aad wada hadlaysaan aanu ku ogolayn inaad noolaatid, laakiin marka uu jawigu is bedelo inagu diyaar ayeynu u nahay in la wada hadlo,

Heshiiskan saddex geesoodka ma la odhan karaa wuxuu sababay dagaal dublamaasiyadeed madaama ay Somaliya, oo diidan heshiiskan la tilmaamay inay taageereen Qadar iyo Turkigu halka Somaliland uu Imaraadka taageeray?

Inagu go’aanada aynu gaadhnay, iyo runtii cidii aynu la saaxibnay dan baynu u aragnay, danteena ayeyna kula saaxiibnay, laakiin guud ahaan Gobolkani waxaanu jecel nahay inuu noqdo Gobol nabadeed, Wadamadan aynu la saaxbinayna waa Wadamo danaheenu aad ugu xidhan yahay, cida aynu la saaxibka nahayna waa cid dano inaga dhexeeyaan, oo ganacsigeenu boqolkiiba konton (50%), Imaraadka ayuu ka yimaada, dadkeena ayaa degan, oo daganaan jiray, dadkii wadanka dhisay ayeynu ka mid nahay, Sucuudigana boqolkiiba sagaashan (90%) xoolaheenu tagaan, waana Wadan aynu taariikhiyan isku xidhan nahay,balse inagu cid aynu lidi ku nahay ma jirto.

Bal ka waran xidhidhka Somaliland ee Qadar iyo Turkiga?

Inagu wadan kasta waxaynu jecel nahay inaynu la yeelano xidhiidh sokeeye, iyaguna kama duwana caalamka kale, wax colaada oo inaga dhexeeyana ma jiraan.

Hawshii Saldhiga Milatari ee Imaraadku halkay ku dambaysay?

Hawshii Saldhigu meel fiican bay maraysaa, hawshuna way socotaa, Waddadii isku xidhaysay Berbera iyo Wajaalana Sannadkan badhtamihiisa ayaa la bilaabi doonaa insha allaah.

Somaliland marxalado ka duwan bay soo martay, muddo sodon sanno ku dhawaadna wey madax banaanayd, ilaa haddana lama aqoonsan, ee maxa aqoonsigeeda hor taagan ayaad isleedahay maadaama oo aad tahay wasiirka arrimaha dibadda?

Inagu Somaliland ahaan weynu ka soo baxnay shuruudaheenii, marxalad kasta oo inagu timidna weynu ka soo dabaalanay, ee Ictiraafkeenu waa waajib saaran bahda Caalamka, mar haddii aynu ka soo baxnay waajibaadkeenii, oo dalkeena ka hirgaleen Doorashooyin xor iyo xalaal ah, nabadeeniina sugnay, ee Caalamka intiisa kale ayaa maanta laga doonaya inay waajibkooda ka soo baxaan, ugana soo baxaan iyagoo qiraya isla markaana yaqiinsanaya jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.