Daawo Sawirada :Silaca iyo Saxariirta ay ku nool yihiin Haween Soomaaliyeed oo kunool dalka…April 2,18

Dalka Indonesia waxaa kunool Soomaali badan oo dalkaasi u tagtay qaxootinimo iyo waxbarasho, waxaana Soomaalida qaar loo aqoonsaday in ay yihiin Qaxooti halka kuwa kalana loo diiday in la qaabilo loona aqoonsado qaxooti.

Haween badan oo Soomaali ah kuna nool  dalka Indonesia ayaa loo diiday in loo aqoonsado qaxooti ahaan, waxaana haweenkan halkaasi ku heesta silac iyo saxariir badan sida uu soo bandhigay Wargeyska theguardian ee kasoo baxa dalka Britain.

Dowlada Indonesia iyo Hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoobay ayaa haweenkan iyo dad kale u diiday in ay qaxooti u aqoonsato , Dowlada Indonesia ayaa sidan kale haweenkan u diiday in ay dalka ka shaqeestaan

Waxaana haweenkan Soomaaliyeed qaarkood dantu ku qasabtay in ay noqdaan darbi jiif iyo in ay wadooyinka ka dawarsadaan si ay u helaan nolal maalmeedkooda oo cariiri uga jira..

Haweenkan ayaa la arkaa iyaga oo wadooyinka qaar jiifa halka kuwa kalana ka dawarsadaan masaajida iyo wadooyinka, waxaana haweenkan u nugul yihiin in xili kasta dhibaato dhinaca jinsiga iyo mid kalaba loo geesto.

Haweenkan Soomaaliyeed qaarkood ayaa kunool guryo dad kale siiyeen, hasa ahaatee waxaa ku adag in ay helaan nolal maalmeedkooda, waxa ayna dantu ku kaliftaa in ay soo dawarsadaan magaalada wareegaan.

Qaar badan oo kamid ah Haweenkan ayaa sheegay in dalkooda uga soo carareen hanjabaadyo iyo dhibaatooin kale ay la kulmeen, waxa ayna sheegeen in hada dhibaato kale ay ku heesato dalka Indonesaia.

 

Homeless Somalia refugee Stahil

Istaahil waxa ay Salaad ku duneysaa qol si KMG ah loo siiyay xili kastana laga baxsan karo

Tiro Haween Soomaali ah,waxaa ay fadhiyaan Masaajidka Al Barakah ee Jakaarta.

 

Homeless Somalian refugee Rahma

Raxma,waa 25 jir,waxaa ay 2015kii ka baxsatay Kufsi kaddib markii aabbaheed la gowracay,inta kale ee qoyskoodana la gubay,waxaa ay ahaayeen Ganacsato ay shaqaalaha dowladda Rukun u yihiin.

Iqra,waxa ay Hotel ku lahayd Muqdisho,waxaa ay carartay kaddib markii loogu hanjabay in labada gacmood laga jarayo,waxaa ay diidday in ay xirto Hoteelkeeda.

Somali refugees in an Indonesian boarding house

Haweenkan Somalida ah Dowladda ayaa u diidday in ay shaqeystaan,cunto iyo hooy raadsadaan,sidoo kale UNHCR iyo Hay’adaha kale ayaa u diiday qaxootinnimo,waxaana darbi jiif hadda.

Anisa; waxaa ay hurdeysaa qol ka mid ah Guri xanaano oo si ku meel gaar ah ay u degganyihiin.

Safiya,waxaa ay dhabta ku heysaa Gabadheeda Saabriin oo 8 jir ah,waxaa ay ku suganyihiihin Guri uu leeyahay saaxiib oo ku yaalla Jakaarta.

Sucdi, waa 27 jir reer keeda ay ku dhinteen Qarax ka dhacay Muqdisho,waxaa afduubtay,kufsaday jir dilka u geystay Malleeshiyo.

Haween Soomaali ah oo xilli Habeen ah fadhiya Waddo ka mid ah Jakaarta,waxaa ay halis ugu jiraan Ragga doonaya haween ay la seexdaan,mana laha awood ay isaga celiyaan.

Iqra,waxaa ay fadhidaa darbiga Masaajidka Al-Barakah.waxaa ay tiri “halkan nabad kuma dareemayo,qofkasta ayaan u nugulahay”.

Istaahil iyo Safiya waxaa ay xilli Habeen ah joogaan Waddooyinka Jakaarta,waxaa ay ka midyihiin Haweenka loo diiday kaararka qaxootinimo.

Nuurto iyo Khadra waxaa ay xilli Habeen ah lugeynayaan Waddo marta bartamaha Jakaarta,waxaa eega Nin Indoneysian ah.

Labadan Gabdhood,waxaa ay jiifaan Darbi sida muuqata,lama sheegin magacyadooda,waxaa ay ka midyihiin Haweenka Soomaaliyeed.