Colaada ku gadaaman Degaanaada Fadhigaab oo ka tirsan Gobolka Sanaag. April 8.18

Colaada ku gadaaman Degaanaada Fadhigaab oo ka tirsan Gobolka Sanaag.
maqaal3-150x150
Waxa isa soo taraya in markii Afraad ama  Shanaad hadana ay ka soo cusboonatay colaad hor leh oo u dhaxaysa Shacabka wada degan Degaanada Fadhigaab,  colaadan oo ah mid soo noq-noqotay  laguna qeexi karo Halku dhigii ahaa :
â–  GARDARO GARAB OG â– 
Coladan oo loona aanaynayo in Xubno ka tirsan Xisbiga kulmiye (Dulmiye) xilal hore uga hayay hadana qaar kale ka hayaan in ay ka dhigteen oo ay  caadaystaan  hurinta  Dagaal ka hir gala Degaanada Ceel-afwayn iyo Fadhigaab .
Xubnahan oo kala ah :
1.Wasiirkii hore  ee Madaxtooyada
Maxamuud Xaashi
2. Wasiirka Arimaha Gudaha
Maxamed Kaahin  iyo weliba 3.Buur-madow oo ka tirsan madax dhaqameedada ka soo jeeda Degaanada Ceel-afwayn iyo nawaxigooda oo iyagu noqday xubno ah inay   caadaystaan in ay Dhiig ku daadiyaan iyagoo wata Ujeedooyin iyaga u gaara oo la odhan karo waxay xanbaarsan yihiin  sadex  ujeedo:

1.Dagaal siyasadeed oo ay kula jiraan Muuse Biixi si ay uga fushadaan muraadooda u gaarka ah.
2. Dagaal Nacayb oo ah Beelaha meesha wada dega Beel ka mid ah .
3.Dagaal Dhaqaale oo ku wajahan in Beesha Harti iyo Beesha Garxajis Bari (Sacadyoonis) laga raro  oo la baro kiciyo si wakhti loogu helo Dhulka shidaalka ku jira .

Isku soo wada xoori Dagalkan oo Beelaha  Degaankaa wada Degan
Hore dhiig badani ugu kala  daatay Qudho badanina ku baxeen ,ayaa waxaad moodaa in weli shacabka meesha wada degan aan qaarkood fahmi karin in DAGAAL WIIL KU DHINTO EE AANU KU DHALAN.
Dagalkan oo laga baqo-qabo in uu ka sal-baaladhan karo sida loo wado hawsha oo ah jaan-goyn la’aanta colaadahan mar walba soo cusboonanaya iyo Dhiigaan la caadaystay in si hawl yar loo daadiyo iyadoo aan marna laga fikirin cawaaqib-xumada iyo aayatiin la’aanta ka dhalan karta
Mustaqbalka dhaw iyo
ka dheerba.

Waxa hadaba ah Su’aalaha ay
is-weydiinayaan Wax-garadka Bulshada Somaliland ku dhaqan
1.Muxuu xanbarsan yahay Dagaalkan iyo Colaadan soo jiitantay ee weliba intooda badani tahay Gaadmada Raga Shicibka ah lagu laynayo.

2.Maxaa loo dhexdhigayaa colaadan iyo Qudh-baxan baahsan ee dhan walba ka dhimanaya.

3.Dadka wada degan Degaanada iyagu ma is-weydiiyeen waxa ay ubadkooda iyo naftoodaba u gelinaayaan Mahlikada.

4.Intee in leeg ayayse Qof ama Cid ujeeda gaara lihi ku guuri kartaa oo Dab galin karaan deganadooda.

Su’aalahan oo u baahan in looga jawabo Bukshada Somaliland ee jecel wada-jirka iyo Wada-noolashaha oo ugu jira Geedi-socod sidii ay ugu heli lahayeen Jawaabo, horena  Isugu deyey in ay Ka aslaaxiyaan Nabad waarta oo ka hirgasha  Deganadaa si Bulshadaasi wada degani u  kala  badbaado.

ILLAHAY  hayna garan siiyo Waanaga.

Qalinkii
Anis M Ismail.