War-weyn:Boqor Buurmadow oo ka degay Puntland,Shaaciyeyna inuu sido Ergo,Kornayl Muuse Biixina uga digay inaanu colaad Hurin..April 15.18

Boqor Buurmadow oo ka degay Puntland,Shaaciyeyna inuu yahay Ergo,Kornayl Muuse Biixina uga digay inaanu colaad Hurin


Carmo-(SM)-Boqor buur madow ayaa uu si adag uga hadlay xaaladda Puntland iyo Soomaaliland oo uu sheegay in ay ku howlanyihiin sidii xal loogu heli lahaa coladda kasoo cusbonatay degaanka Tukaraq.

“…Dadka Soomaaliyeed waa walaalo, siyaasiyiinta ayaa xooga ina kala qoqobtee bulsho ahaan isma aynaan qaban, anagu waxaanu Somaliland uga nimi caana-shubka ka sakow ergaanu sidnaa, anagu dhaqan ahaan waxaanu culays ku saraynaa Muuse Biixi in laga fogaado wixii colaad inoo keenaya dagaalna uma baahnin walalayaal, Cabdiwelina waa lasoo xidhiidhnay waxaanu Muuse ka filaynaa  in isagoo cusub inuusan  colaad ku bilabin, xukuumada iyo guud ahaan Somaliland, waxan usoo jeedinaynaa in ciidamada la kala qaado. Nabadgelyeynu u bahannay maanta uma baahnin colaad iyo ciidamo is hor fadhiya…”

Boqor Buurmadow waxaa uu hadalkan ka jeediyey Caleema-saarka Beeldaaje  Ismaacil Beeldaaje Cabdulaahi oo maanta lagu caleema saaray degaanka Carmo oo ka tirsan Bosaaso