Sidee bulshadeenu uga xorowdaa qabyaalada iyo qaadka?April 15.18

Sidee bulshadeenu uga xorowdaa qabyaalada iyo qaadka?April 15.18MAQAAL

Sida aynu wada ognahay beryahan danbe waxa si xawli ah uu sii faafaya hawlaha la xidhiidha qabyaalada iyo sida tvyada iyo warbaahinta ay ugu fiday ama loo caadaysatay

Sida aynu lawada socono bulshada soomaalida mashaakil ama dhibaatooyin ama aafooyin ugaara ayaa jira waana aafooyin samayn wayn ku leh ama ku yeeshay dhaqaalaha , caafimaadka iyo dhanka bulshada soomaalida marka si qoto dheer loo eegana waxaad is odhan kartaa waa aafo ama waa mashaakil inagaga daran kana xun gumaysigii mudada dheer ina haysan jiray.

Waayo gumaysiga waa la iska dhiciyey waana laga dhiidhiyey isla markaana waa laga xoroobay balse aafadani waxay noqtay mushkilad aan laga xoroobi Karin isla markaana aan wali lagaran inay mahlako tahay, waayo waxay raacday dhiiga bulshada soomaaliyeed.

Hadaba marka lakala qaado aafooyinkan way kala gadisan yihiin ama way kala duwan yihiin oo mid inaga ayaa abuurnay oo hir galinay dhexdeena meeqaamsare u yeelay waxaanay noqotay mid aynu ku noolahay oo aan aaminay inaynaan iyada la,aanteed noolaan Karin waxay noqotay qalab ama gaadiid lagu dagaal galo oo dhiig fara badan lagu daadiyo umad fara badana lagu dulmiyo.

Waxay noqotay mid xil ama mansab dawladeed lagu raadiyo laabtana lagu garaaco waxaa kale oo ay noqotay mid aynu si wayn u aaminay inayaan talaabo hore u qaadi Karin hadaan iyada la adeegsan mararka qaarna waxaad is odhanaysaa malaha diinbay noqotay waayo hadii aafadan aan ka hadlayno wax laga sheego ama la aflagaadeeyo dagaalbaa laga xigaa halka hadii diin wax laga sheegona aanay haba yaraatee wax kasoo qaad lahaynba.

Hadaba waxaan iswaydiinaynaa waa maxay aafada noocan ahi?

Jawaabti iyada oo waafi ah isla markaana cod dheer lagu sheegaayo waxay noqonaysaa waa [ QABYAALADA}.

Nooca labaad ee iyaduna aafada wayn bulshada soomaalida ku ah waa aafo dhinaca dhaqaalaha,caafimaadka ,akhlaaqada iyo nadaafada intaba inaga dishay.

Dhinaca dhaqaalaha waxay inaga galaaftaa malaayiin lacag ah habeen kasta oo si toos ah inooga baxda wax faa,iido ah oo inagaga soo noqdaana ma jiro.

Xaga caafimaadka waa aafo galaafatay maan iyo maskaxo badan oo bulshada ka mid ahaa waayo waa dilaa ma nooleye aan naxariis lahayn waxaanay sababtay waali xad dhaaf ah oo bulshadeena waaydan danbe ku soo badanaysa waxaa kale oo ay aafadani sabab u tahay cuduro fara badan oo si layaab leh inoogu soo badanaaya kuwaasi oo ay ka mid yihiin wadna xanuunka,dhiigkarka,gaastariga iyo faalijka intaba waxaa keena oo sabab u ah waa aafadan labaad een sheegi doono.

Geesta kale waxay sabab u tahay burburka ku dhaca qoysaska,waxaa kale oo ay aabo u tahay aafadani dhaqan xumada ay kamid ka yihiin tuuganimada.budhcanimada,beenta xaasidnimada,cibaado xumada,ilaah cayga ,diin cayga, nabi cayga iyo waxyaale kale oo aad u badan.

Sidaa awgeed waxaan is waydiinaynaa iyana waxa weeyi waxan qabyaladiiba ka xumi waa maxay ?

Iyana jawaabtu waa ( QAADKA].

Sidaa awgeed waxaan soo jeedinaynaa oo aan cod dheer ku leeyahay waar hooy bulshooy aan ka xorowno QABYAALADA IYO QAADKA.

QALINKII MAXAMUUD KHALIIF AXMED

MAHAMOUDZIIKO@MAIL.COM

TELL 0634318306 9335346