XABSIGA NACIIMA QORANE:APRIL15.18

XABSIGA NACIIMA QORANE:DEF3E535-A093-4123-93BB-DE26EEAB1B6F

Xukunka iyo Xadhiga Naciima Qorane wuxuu Khilaafsan yahay Sharciga Caalamiga ah & Dastuurka Somaliland oo Siinaya Muwaadinka Xuquuqda Cabiraada Aragtidiisa & Rabitaankiisa.

Dhacdadan Maxkamada Hargeysa ku Xukuntay Naciima Qorane Xabsi Dheer waxay kaloo Caqabad aan la gudbayn ku tahay Geedi-socodkii Aqoonsi Raadiska ee Dalkan Curdinka ah aanu Aduunka uga raadinaynay.

Xukunkani Waxuu Turun-turo ku yahay, Sidoo kalena Calaamad Su’aal Saarayaa Hanaankii Dimoqraadiyadeed een Doonaynay inaanu Dalkan ku soo Dabaalo.

Waxaan Hoosta ka Xariiqaynaa in Falkan iyo Qaarkale oo Badan oo Dalka ka dhex jiraa, la mid yihiin Falalkii Xukuumadii Military-ga ahayd ee Siyaad Bare lagu yaqaanay. Waxaan Xukuumada Kulmiye uga Digaynaa in Caadaysashada Ka talaabsashada Sharciga Dalku Keeni karto Kacdoon Shacab oo Xal u helidiisu adkaan doonto.

Askarta Kulmiye, Waxaan u iftiiminayaa in habdhaqanka Garsoorka Dalku, Astaan u yahay nooca Xukuumadeed ee dalka ka jirta; Sidaas Awgeed Waxaan ku Baaqaynaa:
a) In Naciima Qorane Xuquuqdeeda la tixgeliyo, Xoriyadeediina loo soo Celiyo
b) In Xukuumada Kulmiye dib u Eegis ku Samayso Xaakimada Maxkamadaha Dalka iyo Guud ahaan Garsoorka Dalkaba.

“DAD CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC”.

Afhayeenka Qaarada yurub
Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan