Mike Pompeo oo Safar qarsoodi ah ku tagay Kuuriyada Waqooyi lana kulmay Kim Jong Un…April 18.18

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka sidoo kale ahaa Madaxa CIA Mike Pompeo ayaa la ogaaday in booqasho qarsoodi ah ku tagay dalka Waqooyiga Kuuriya horaantii bishan.

Mike Pompeo ayaa kulan qarsoodi ah  la yeeshay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, waxa ayna kawada hadleen shirweyne la filayo in ay yeeshaan Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Warbaahinta sheegay in wadahadalo heerkoodu sareeyo oo toos ah ay la yeesheen Kuuriyada Waqooyi, mana uusan ka hadlin Trump  kulankan dhax maray Mike Pompeo iyo Kim Jong Un.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya si fiican usoo dhaweeyay wafdigan ka socday Dowlada Mareykanka ee booqashada Qarsoodiga ah ku tagay Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa la qorsheenayaa in kulan toos ah yeeshaan, waxaana socda qaban qaabada shirkaasi iyo waxyaabaha diirada lagu saari doono marka ay kulmaan labada Hogaamiye.

Kulankan ay wada qaateen Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa noqonaya kii ugu heer sareeyay tan iyo waxii ka dambeeyay sanadkii 2000, xiligaas oo xoghayihii arrimaha dibadda Mareykanka Madeline Albright uu tagay Kuuriyada Waqooyi lana kulmay Kim Jong Un aabihis, Kim Jong Il.