Deg Deg ]:- Imaaraadka Carabta Oo Iminka Kashifay In Heshiiska Dekada Berbera Dawlada Somaliya Ogolaatey ” Somaliland Xidhiidh Lama Lehin ” .. +[ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wasiirul dawlaha wasaarada arimaha dibada ee dalka Imaaraadka
carabta oo maanta la Hadley idaacada BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in heshiiska Dekada Berbera ee Dp World iyo Somaliya ay ogolaatey dawladii hore ee Somaliya isla markaana ay ka wada hadleen xukuumadii Xassan Sheekh Maxamuud .

Sidoo kale Wasiirul Dawlaha ayaa waxaa uu sheegay in Imaaraadku uu aqoonsan yahay midnimada dalka Somaliya .

” Arinta dekada Berbera waxaa ay ku dhacdey isfaham cad oo na dhex maray dawlahihii hore ee Somaliya , waxaana ay isfahamadaasi ay hoos imanayaan taageerada Somaliya oo mid ah , anaga ( Imaaraadka ) qunsiliyad kuma lahin Somaliland , isla markaana xidhiidh lama lehin ” .

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=DrLtiVGjpz4