IFAFAALIHII BURBURKA QARANIMADA “Isma Doorin Siilaanyahaan Diriyo

FB_IMG_1524063761005

Daarta kii galaye”
“Duhur Wanaagsan Jaalayaal”
____________________________

30jan ilaa 13 feb ee Horaantii sanadkan ayaa xabsiga loo taxaabay Sadex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degamada Oodwayne oo uu ka mid ahaa Maayir kuxigeenkii Degmadaasi , ujeedka Xildhibaanadaas Xasaanada leh loo qabtay ayaa ahaa Tuhun laga qabay in ay waxyeelo u geysteen Xadhkaha Isgaadhsiinta Shirkada SOM CABLE ee Mara degamadaas iyo Deegaanada ku hareeraysan , Mulkiilaha Hantidaas leh oo la sheego inuu Maalgashaday Doorashadii Madmadawga iyo Musuqa badnay ee la sheegay in uu ku soo baxay Muuse Biixi , Dawladuna ay aad ugu dhago nugushahay Doonistiisa Xadhigaa aan sharciga ahayn ee la qabtay kadib waxa loo gudbiyay Magaalada Hargeysa oo aan ahayn Goobtii laga soo xidhay rumaan ahaana loogu hayay Mudo 40 Casho ah , iyadoo Gobolka Daadmadheedh leeyahay Dhamaan Adeegyada Sharci sida Ciidamo Boolis , Maxkamad , Xeer Ilaalin iyo Ciidanka Baadhista Danbiyada (CID) arintaas oo daliil cad u ah in Fulinta nidaamka Sharci ee dalkeena aan loo sinayn oo fulintiisu ay qabato cid gaara , maadama Xadgudubkan cid looga Dacwoodaa aanay jirin (Eelka kii Dhigay u Dacwootooy) .

si taa lamida 20/01/2018 ayaa Xabsiga loo taxaabay Naciima Axmed Ibraahin (Niciima Abwaan Qorane) oo ah Haweenay Dhalinyaro ah Aragtideedana ku cabirtay barta ay ku leedahay Fays buuga iyo Fagaarayaal ay ka khudbadaysay , balse Maamulka Talada haya ee xiligan ay xadhigeeda u cuskudeen in ay Bulshada u soo bandhigtay Suugaan iyo Qoraalo ay ku taageertay Soomaaliya , sababtaas darteedna ay ku mutaysatay in la xidho laguna xukumo sadex sano xadhiga ,iyadoo Rumaan ahaan Xabsiga loogu hayay ku dhawaad Sadex Bilood , sidoo kale Isniintii Shalay ayaa Maxakamada Gobolka Maroodijeex ku xukuntay 18 Bilood oo xadhiga Maxamed Kayse Maxamuud oo isna si kaftana ugu baahiyay Bartiisa Fbga kelmad Macnaheedu yahay Madaxwaynuhu waa Maxali(local) oo aan waxba u dhimayn Sharafta Madaxwaynaha oo la sheegay in uu ku xadgudbay , Dhacdooyinka ugubka ah ee lagu cabudhinayo Xoriyada hadalka iyo Cabirka Aragtida ayaa ka hor imanaya qod 48aad ee Dastuurka Somaliland Faqradiisa kowaad kaas oo dhigaya in Muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi uu xor u yahay in uu aragtidiisa ku soo bandhigo Muuqaal , Qoraal , Hadal , Suugaan , Mudaharaad iwm .

Hadaba sida aynu ka wada war qabno dhawaan ayay ahayd Markii Madaxwayne Biixiga Madaxtooyadu uu Magacaabay Mukhtaar Maxamed Cali in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland kuna soo saaray Digreeto Sharciya , Digreetadaas sharciga ah ayaa waxa is hortaagay kuna gacansaydhay in Masuulkaas la soo magacaabay uu xilka la wareego si saxa ahna u guto waajibaadkiisa shaqo Maxamed Kaahin Axmed oo ah Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo xilkaas si lamida Agaasimaha loogu magacaabay , 14 December 2017 , Masuulkaas oo aanu ku diidayn Kartidiisa , Aqoontiise balse uu ku diiday Qabiil ahaan , iyadoo taasina ay fashil cad ku ahayd Md Biixi oo isagu ah Hogaanka ugu sareeya Qarankan madaama mid ka mida Wasiiradiisu uu is hortaagay Digreeto Sharciya oo ka timid dhankiisa , iyadoo Madaxwaynuhu xil kale u magaacabay Masuulkii uu jagadan hore ugu magaacabay taasina ay cadayn u tahay in madaxwaynuhu raali ka yahay Go’aankan qaybna ka yahay is hortaagan sharci darada ah maadaama aanu wax talaabo ah ka qaadin wasiirkii is hortaagay in uu xilka la wareego wajibaadkiisa shaqona guto Masuulkaas uu Magacaabay .

ugu danbayn Dhacdooyinkan oo ah kuwo aanay xamilayn Qalbiyada inta Caqliga u saaxiibka ah Damiirkooda qofnimana shaqaynayo ayaa ah kuwo soo noqday iyadoo Shakhsiyaadka Tacadiyaadkan lagula kacay iyo inta ku xukumaysaaba ay ka soo kala jeedaan beelaha dega somaliland taasina ay Abuuri karto Colaado Sokeeye oo raagta soona dedejin karto Burbur iyo Adhax jab ku yimaada Qaranimadii aynu ku taamaynay tan 1991kii .

Fikirkaagu waa Muhiim

QALINKII :JAALE GUULEED CAATO .