BAAQ DEG-DEG AH OO KU SAABSAN XAALADA DEKEDA BERBERA & UAE “Afhayeen Qasim”:April 17.18

BAAQ DEG-DEG AH OO KU SAABSAN XAALADA DEKEDA BERBERA & UAE “Afhayeen Qasim”:April 17.18Qaadin

Meeday Xukuumadii Kulmiye; Meeye Siyaasiyiintii, Guurtidii, Baarlamaankii & Wiilashii Shalay Dhaladka ahaa een hoosba u dhaadayn Xaqiiqada Dalkooda iyo Dekedooda; Balse ku taageerayey xukuumada Xilalka, Xoolaha & Xigaalada.

Meeye Shacabkii Dalkooda la kala iibsaday Daawanayey iyagoo ka gaajaysan.

Meeye Wiilashii Reer D-jabouti ee is mooday in Somaliland lagu noqdo reer ee weliba Faraha Dhiiranaa ee Hadh & Habeen la taagnaa Social media-ha “Horaa Loo Soconayaa” IYO Walaalahayo Ethiopia & Emirates. Ma xaqiiqsadeen weli in 27 Sano ka dib ” Dalkani Dib u socday”.

Xaqiiqadu waxay tahay Dalka Somaliland waxaa leh ANIGA iyo Qaar ila Mid ah oon Xoolo, Xil iyo Xigaalo ku bedelanayn Ilaalinta Dhulkayga AABE & HOOYO; mar walbana Heeganka u ah Difaaciisa.

Xaqiiqadu Waxa weeye Dalkan Waxaa leh Hogaanka, Xubnaha & Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Xili Walba loo Hagardaameeyo ilaalinta Hantida Qaranka ka dhaxaysa.

Xaqiiqadu waxa weeye Somaliland waxaa leh Muwaadinka is weydiiya Maxaynu Berbera ku Bedelanay?

Maanta Waxaa Cadaatay:
a) In Berbera ay Somaliya Gadatay oo u Saxeexday UAE, Hadana ka eriday markay Hunguri isku Khilaafeen
b) In Shidaalka S/land iyo Kaydkiisaba uu leeyahay Raizal Wasaraha Somaliya ee Khayre
c) In Emirates-ku Cadeeyey in Somaliland ka tirsan tahay Somalia, waxkastoo hawlgal ama Samofal ahna laga soo fasax-qaadanayo Somaliya.

“SOMALILAANEEY KULMIYE WAA KAAS”.

Xisbiga mucaaradkee Waddani iyo Shacabka reer S/land ee Weli damiirkoodu noolyahay waxaan ugu baaqaynaa inay ku dhawaaqaan Banaanbaxyo Nabadeed oo Dalkoo dhan ka dhaca, lagagana soo horjeedo Siyaasada Arimaha Dibada ee Kulmiye iyo Xukuumada kulmiye Guud-ahaanba

Madaxweynaha Kulmiye waxaan ugu Baaqaynaa inuu Talo-qaran Dalka ku dhawaaqo; Dadkana isugu yeedho inay aayahooda dib u eegis ku sameeyaan.

Wasiirka Arimaha dibada Somaliland waxaan ugu baaqaynaa inuu Iska Casilo Xilkan Sharaftiisii, Aqoontiisii iyo Dadnimadiisiiba dhulka ku jiiday.

Ugu Dambayn Xisbiga UCID waxaan ugu Baaqayaa inay iska Xoreeyaan Hogaamiyahoodan Midiyaha u Afaystay Dilaalnimada Qadiyada Qaranka; ee Hadeerna Afhayeenka u noqday Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye.

Xaqiiqadu waxay tahay, Soomaaliland Dibu-xorayn bay u baahan tahay, Waxay Sugaysaana waa WADDANI & ILLAAHAY.

Afhayeenka Yurub
Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan