[DAAWO/SAWIRO:-]Xoghayahii Cusbaa ee Dhawaan Loo Doortay Xisbiga WADDANI oo Kulan Qado Sharafeed ah u Sameeyey Madaxda Xisbiga WADDANI[+SAWIRO]

[DAAWO:-]Xoghayahii Cusbaa ee Dhawaan Loo Doortay Xisbiga WADDANI oo Kulan Qado Sharafeed ah u Sameeyey Madaxda Xisbiga WADDANI[+SAWIRO]

Hargeysa():-Xoghayahii guud ee dhawaan loo doortay Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Aqoonyahan Khadar Xuseen Cabdi, ayaa  manta kulan qado sharafeed ah u sameeyey Madaxda Xisbigaasi oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

Kulankan oo manta ka qabsoomay hotel Ambassador ee Hargeysa, ayaa ujeedkiisu ahaa kulan is barasho ah maadaama dhawaan la magacaabay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi.

Qaar ka mid ah Madaxda Xisbigaasi oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay xilkaas loo magacaabo Aqoonyahan Khadar isla mar ahaantaana ay  diyaar u yihiin siddii ay u la shaqeyn lahaayeen.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI uu hawlo culus ka sugaayo Aqoonyahan Khadar iyo weli ba sida oo kale dar-dar gelinta hawlaha Xisbigaasi.

Aqoonyahan Khadar oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaan halkaas uga mahad-celiyey Madaxda Xisbiga WADDANI isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay siddii uu door muuqda uga qaadan lahaa hawlaha Xisbiga isla mar ahaantaana uu u rumeyn lahaa waxyaabaha laga sugaayo.30704917_1863810260583057_5459012508205449216_n (1) 30712308_1863810270583056_5719760367882600448_n 30728579_1863811453916271_1385046220459737088_n