[Deg Deg ]:- Xukuumada Muuse Biixi Oo Iminka Xabsiga Dhigtay Boqor Buurmadow + [ Goobta Laga Qabtey ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ War deg deg oo hada soo gaadhaya shabakada
Salaanmedia.com waxaa ay sheegayaan in ciidamada amaanku ay goor dhaweys xabsiga dhigeen Boqor Buurmadow .

IMG_0A7022-AF8C59-391EF6-7EB440-3F5AC5-F42D86

Ciidamada amaanka ayaa boqorka ka qabtey Hotel Maansoor oo uu ku sugnaa sida ay Ilaysnews.com u xaqiijiyeen dad goob joog ahaa .
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyey madaxweynaha ugu baaqaayey in uu xabsiga dhigo Boqor Buurmadow kadib markii ay sheegeen in uu Deeganka Caramo oo uu kaga qeyb galay xaflad caleemo saar beel Daaje uu ka jeediyey hadalo lidi ku ah Somaliland
Ilaa hada laamaha amaanku may xaqiijin xidhitaanka Boqorka mar aanu isku deynay in aanu wax ka weydiinana waa ay noo suurto gali weyday kadib markii ay telefoonkooda gacanta naga qaban waayeen