Dawlada Somaliya Oo Maanta La Waregtay Hubkii Iyo Ciidamada Imaaraadka + [Muuqaal]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa
maanta shaaciyay inay si rasmi ah ula wareegeen ciidamadii ay tababareen Imaaraadka Carabta.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay in sidoo kale ay la wareegeen Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee Imaaraadka ay gacanta ku hayeen.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegeen gaadiidka dagaalka ee Imaaraadka ay ciidamada ku tababareen, Ambalaasyo iyo qalab kale oo ciidan.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya dhamaan qalabkaan iyo ciidamadii isticmaalayay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=D1nhqOScXjI