Mohamed Salah Oo Ka Naxay Goolkii Uu Messi Ka Dhaliyey Real Madrid

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa si caddaan ah uga hadhay loollan uu kula jiray halyeyga Barcelona ee Lionel Messi oo aakhirkii kaga guuleystay dagaalkii ay ku wada jireen.
Messi-vs-Salah-150x150

Halkan ka akhri warka oo dhan:

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa si caddaan ah uga hadhay loollan uu kula jiray halyeyga Barcelona ee Lionel Messi oo aakhirkii kaga guuleystay dagaalkii ay ku wada jireen.
Lionel Messi ayaa gool uu ka dhaliyey Real Madrid waxa tirada goolasha uu xili ciyaareedkan dhaliyey uu kaga dhigay 33 gool, hase yeeshee Mohamed Salah oo in muddo ah kaligii booska koowaad ahaa ayaan shabaqa kubbad taabsiinin labadii kulan ee u dambeeyey ee Stoke City iyo Chelsea, waxaana uu weli fadhiyaa 31 gool iyadoo hal ciyaar oo kali ahi ay u hadhsan tahay.
Saddexley uu Lionel Messi ka dhaliyey Deportivo usbuucii hore, ayaa waxa uu mar kaliya kula wareegay tartanka Kabta Dahabka , waxaana uu yeeshay 32 gool, waxaana uu mid kale kusii daray markii uu Real Madrid shabaqeeda taabtay qaybtii labaad ee ciyaartii xamaasadda badnayd ee barbar dhaca ku dhamaaday.

Isku-geyn Lionel Messi waxa uu leeyahay 33 gool, waxaana u hadhsan saddex ciyaarood oo uu ku dhalin karayo goolal badan.
Arrintan, waxay ka nixisay Mohamed Salah oo toddobaadyo ka hor ku fikirayey inuu noqdo ciyaartoyga ku guuleystay Kabta Dahabka ah ee gool-dhalinta qaaradda Yurub, waxaana uu hadda u egyahay inuu ku dhamaysto kaalinta 2aad.
Qaabka loo bixiyo abaal-marinta
Abaalmarinta ayaa waxa lagu bixiyaa qaab ku sallaysan dhibco laga soo sal-guuriyey ciyaaryahannada ugu goolasha badan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub.
Premier League, LaLiga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1 oo kala ah horyaallada Ingiriiska, Spain, Talyaaniga, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa ku loollama.
Sida loo kala horreeyo sannadkan:
Name Goals Points Games remaining
Lionel Messi 33 64 4
Mo Salah 31 62 2
Ciro Immobile 29 58 3
Robert Lewandowski 28 56 2
Edinson Cavani 27 54 3
Mauro Icardi 28 54 3
Harry Kane 26 52 4