Dawladda Ingiriiska Oo Si Adag Uga Hadashay Dagaalka Tuke-raq Ee U Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Dawladda Ingiriiska ayaa ku baaqday in sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday degmada Tukaraq ee gobolka Sool. Waxay sheegtay in ay khasaare joogaan labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland.

David-Concar-768x432-300x169

“Waxaan si weyn uga walaacsanahay arrimaha soo kordhay, waxay dawladda Ingiriisku codkeeda ku daraysa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo. Qalalaase dheeraad ah waxa laga dhaxlaya uun guul darro labada dhinacba ah. Waxaanu rajaynayna in caqligu shaqeeyo oo wada hadal lagu bedelo xabadda,” Sidaas ayuu yidhi David Concar safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray “ Kadib dhiiggii shalay ku daatay Tukaraq waxa sida ugu dhakhso badan oo aan hore waligeed loogu baahan loogu baahan yahay xabad joojin. Waana sida ugu macquulsan xilligan Ramadaan,” waxaanu intaas ku daray in bishan khayrka leh dhammaan dhinacyada dagaalka ku lug leh xaqiijiyaan nabadda.
Aagga shalay lagu dagaallamay ayaa degan maanta laakiin, waxa jira hub la isku tuurtuuray iyo gurmadyo soo gaadhaya dhinacyada.