Gudomiyaha xisbiga Waddani DR Cabdiraxmaan Mohmaed Cabdilaahi Ciro Iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa wiigan socdaal dheer ku Mari doona waddamo kamidda qaradda Europe.May 19.18

314EC368-248B-4FC2-AE97-57DE7C63C8D7Godumiyaha xisbiga Waddani DR Cabdiraxmaan  Mohmaed Cabdilaahi Ciro Iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa wiigan socdaal dheer ku Mari doona waddamo kamidda qaradda Europe.May 19.18

Gudomiyaha waxa socdaalkisan ku wehelinaya.

Ergeyga Gaarka Ah ee u qaabilsan xisbiga waddani waddamadda midowga Europe iyo qaramadda midoobey Ambassador Abdirizak Diinaari oo Isku soo durba riddey Shirarka iyo munasibaddaha uu Gudoomiye  Ciro kaga qeyb gali doono waddamadda uu marayo.

Waxa iyana ku wehelineysa Gudomiyaha socdaalka Marwo Fatima Sa’ed oo ah la taliyaha Gaarka ah ee ARIMAHA dibadda ee Xisbiga waddani.

Wefti ayaa socdaalkooda diplomasiyadeed ka bilaabi doona waddanka Belgium, caasimadda Brussels. 21-23 ku sugnaan doona iyagoo la kulmi doona madax Kala duwan oo ku sugan xarunta midowga Europe iyo wasaraddaha Arimaha dibadda dowladda Belgium.

Gudoomiye  Ciro iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa kulamo la qaadan doona madaxda baaralamanka Addunka u qaabilsan dowladda Sweden iyo wasaradda ARIMAHA
Dibadda maalmaha Bisha 24-26 ayaa GUDOMIYE Ciro waxu ku sugnaan doona Dalka Sweden

Safarkiisa GUDOMIYE Ciro iyo weftigiisu Waxey usii dhaafi doonaan
Dalka Denmark.4B0C48AE-7049-4606-A275-B243EC1BD4E9

27-29 May,2018 waxu GUDOMIYE Ciro kulamo
La qaadan doona dowladda Denmark.

Waxuna khudbadd taariikhiya ka jeedin doona. Maxaddka darasaadka iyo Cilmi baadhista caalamiga ah ee loo yaqaan.

Danish institute for international studies.

Khudbadaa Gudomiyaha ayaa noqon doonta miduu kaga hadlayo Xaaladda Maanta Dalku marayo iyo somailand Waxey qabsatey iyo
Marxaladaha Hadda ey ku jirto iyo caqabadaha hor yaala.

Waxa Isna kelmadd kooban ka odhan doona Shirkaas oo ku saabsan taariihdda somailand Ambassador Abdirizak Diinaari
Gudomiyaha ayaa safarkisu yahey miduu kula kulmayo dowlaha somailand qadiyadeedda tageera. Waxa safarkiisu noqon doona mid XOG is wareysi ah iyo ARIMAHA dorashadii dhacdey waxii ka qaladmey sidii loo saxi lahaa.

Mustaqbalka loo Xoogin lahaa dimuqradiyadda iyo dowladd wanaaga somaliland. Iyadoo mar walba caalamka
La wadaagayo dareenka xisbigiisu ka qabo mar xaladda Dalku marayo.

Dhinaca kale Gudomiyaha ayaa la kulmaya dhamaan dadka ku nool waddamadda uu tagayo Si uu ugu mahad celiyo Dadkii xisbiga tageersanaa.

Ulana wadaago marxaladaha Dalku marayo iyo
Sidda xisbiga waddani loo waddo qaab dhismeedkisa ku saabsan dib u habeynta iyo dardar galinta howlaha xisbiga.

Guul Somaliland
Happy 18 May
Viva xisbiga waddani