Gabadh 25-sano jir ah oo caloosheeda laga helay in ka badan 100 kaniini oo daroogo ah- May 21, 2018

Gabadh 25-sano jir ah oo caloosheeda laga helay in ka badan 100 kaniini oo daroogo ah- May 21, 2018
Gabadh 25-sano jir ah oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa lagu xiray garoonka Diyaaradaha magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindiya, kadib markii laga shakiyay in ay safrineyso daroogo.

Ciidamada booliiska oo helay xogta haweeneydan oo safrineysay Kaniini daroogo ah ay caloosha kusoo ridatay ayaa xiray , waxaana gabadhan markii dambe la geeyay isbitaal oo looga soo saaray kaniinigii daroogada ahaa ee caloosheeda ku jiray.

Isbitaalka kuyaala Caasimada dalka Hindiya ayaa ku guuleestay in caloosha gabadhan kasoo saaro 106 kaniin oo daroogada nooca Cocaine-ka loo yaaqaano, waxa ayna gabadhan daroogada dooneyso in ay soo galiso Hindiya.

Gabadhan caloosheeda laga soo saaray kaniiniga daroogada ayaa la sheegay in ay kasoo qaaday dalka Brazil, waxaana haweeneydan daroogada u waday nin u dhashay dalka Nageria oo ku sugan gudaha Hindiya.

Ciidamada booliiska ayaa baadi goob xoogan ugu jira ninka u dhashay dalka Nageria ee lagu tuhmayo in daroogada loo waday, waxaana ninkan oo hada dhuumaaleysi ku jira laga baadi goobayaa caasimada Hindiya.

Saraakiisha waaxda la dagaalanka daroogada Hindiya ayaa sheegay in dhacdadani ay noqonayso middii ugu horreysay ay ku qabtaan tiradii ugu badnayd ee kaniinka Cocaine-ka oo ay abid kasoo saaran caloosha qofka banii’aadam ah.72E8D59C-A524-4BC1-8BA6-FB32F9B256EC