Hormuud oo deeq lacageed u qeybisay 500 qof oo kamid ah Nafada ku nool Muqdisho (Daawo Sawirada)…May 23.18

Hay’adda Hormuud Foundation oo ah Qeybta Sama Falka iyo Gargaarka uqaabilsan Shirkadda Hormuud Telecom ayaa 500 oo Qof oo Naafo ah oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Deegaannada ku hareereysan u qeybisay lacag Cash ah, iyadoo qof kasta la guddoonsiiyey lacag dhan $100 Dollar.ˇ
Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah madaxa Hormuud Foundation ayaa faahfaahin ka bixiyey deeqda lacageed oo ay maanta hey’adda u qeybisay qaar ka tirsan Naafada ku nool Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
“Dad gaaraya 500 oo Qof oo Naafo ah oo isugu jira kuwa lixaadaha La’ iyo kuwa Aragga la’, kuwaas oo ka imaaday degmooyinka Gobolka Banaadir iyo dagmooyinka ku dhowdhow ayaan siinay lacag, waxayna ka socdeen 500 oo qoys, waxaana qof kasta siinay 100 Doollar, Allaha u barakayo” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur.
“Waxay qeyb ka tahay barnaamijyada aan ugu talagalnay Bisha barakeysan ee Ramadaan taas oo aan ugu adeegeyno bulshadeena Soomaaliyeed, Shalay ayeyna aheyd markaan deeq isugu jirtay Raashin, Shidaal iyo lacag aan gaarsiinay Shanta Isbitaal ee Muqdisho ugu weyn kowooda danta guud kuwaas oo kala ah: Dayniile, Madiino, Banaadir, Keysaney iyo Laasareeti, sidoo kale waxaan deeq gaarsiinay maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe iyo naafada Xoogga ee ku nool Isbitaalka Martiini”. ayuu yiri Cabdullaahi.
“Sida aad ka war qabtaan Muqdisho waxaa maalmahaan ka da’yey roobab keenay inay burburaan guryo isla markaasna ay dad badan barakacaan, sidaas darteed waxaan Shalay deeq timir ah oo gaareysay 800 oo Kiilo gaarsiinay dad ku barakacay Degmada Hodan” ayuu sii raaciyey.
Sidoo kale intii ay socotay Xafladda lacagta lagu guddoonsiinayey naafadaan ayaa waxaa ka hadlay madaxa Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’isulwasaare Soomaaliya Maryan Aadan Amiin waxayna tiri
“Hormuud waxaan rabnay ayey u taagan tahay hadaan dhaho dambi igama raacayo, Ramadaan marka la gaaro sidaas ayey bulshada wax u siisaa, markay fatahaado dhacaan waxay taagan yihiin biyaha dhexdooda, marka abaar dhacdo way dhex taagan yihiin iyagoo wax bixinayo, waxaana dhihi karaa  waxa ay dadka ka qaado kala bar iyaga ayey ku bixisaa” ayey tiri Marmo Maryan.
“naafada Soomaaliyeed raas caseyr ilaa raas Kambooni ayey ka imaadeen, waxaana ku shaqo leh Hormuud, meel kasta calankeeda ayaa ka taagan, sida ay wax u qabatay lama arkayo hey’ad u qabato, anigana afar sano iyo lix bilood ayaan joogaa Xamar,  intaan Xamar joogay Hormuud Talecome ayaan lacag ka qaataa Ramadaan kasta, sida Qur’aanka lagu sheegay Hormuud ajar weyn ayey ka heleysaa, Naafada noocyadooda kala duwan sida ay Hormuud wax ugu qabatay cid ugu qabaneyso lama arkayo” ayuu yiri mid kamid ah dadkii naafada ahaa ee Maanta deeqda lacagta ah ka helay Hormuud Foundation.
“Hormuud waan u mahacelinayaa, wayna naga farxisay, Allaha ajar ka siiyo, Maanta soonka wax aan ku moodno ayey na siiyey” ayuu yiri mid kale oo kamid ah dadkii maanta deeqda lacagta la siiyey.
“Sharaf iyo Cisho waxaa leh Hormuud Foundaton oo dadaal ay sameysay  500 qof oo naafo ah isku keentay, waxaana caddeynaya in tallaabada Hormuud ay qaaday aysan qaadin shirkadaha kale iyo Hey’adaha” ayuu yiri mid kale oo saxaafadda kula hadlay goobta lagu siiyey.
Dhammaan naafadii loo qeybiyey deeqdaan lacageed ayaa goofta munaasabadda dhacday ka tagay iyagoo faraxsan, waxayna tallaabada ay Hormuud qaaday muujineysaa sida ay mar kasta ugu taagan tahay adeegga Bulshada Soomaaliyeed