Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay Dagaalka Tukaraq ka qarxay.. 24th May, 2018

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay Dagaalka Tukaraq ka qarxay.. 24th May, 2018

Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo la hadlay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in Maamulka Soomaliya ee Puntland weerar lixdii subaxnimo ku soo qaadeen Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool.
“Saaka Abaaro lixdii Aroornimo ayaa ciidammada cago-jiidka ah ee maamulka Farmaajo uu mar kale isku dayay inuu weerar ku soo qaado xuduudaha iyo ciidammada Somaliland ee fadhigiisu yahay Tukaraq, marnaba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo wuxuu sheegay in Soomaaliya ku jabtay weerarkii ay soo qaadeen, waxaanu yidhi;

“Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’iidaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawladda Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeenoo ay Ciidammada Puntland saddex meelood weerar ka soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland.”Daawo:Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadlay Musuq-Maasuq Ka Jira Wasaarada Warfaafinta.March 1 .18