Lacagta Cusub Ee Somaliya Soo Daabaceyso Oo Laga Digay Khatarteeda + [Muuqaal ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Xildhibaan ka digay lacagaha cusub ee
ay dooneyso in ay soo daabacdo Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Cabdullahai Maxamed Nuur oo ah Wasiir u Dawlihii Hore ee Malaiyadda Soomaaliya haatanna ah Xogahayaha Malaiyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in xilligaan lacago loo soo daabaco waddanka.
Toddobaadkan ayay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya soo bandhigtay naqshadda ay yeelan karto lacag cusub oo loo soo daabacayo waddanka Soomaaliya, waxaana horey mas’uuliyiintu u sheegeen in loo baahan yahay lacag dhan 41 milyan oo dollar oo lagu soo daabaco lacagtaas.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=X3uqtgH5OK0