“Qaran Baynu Nahay Ee Ma Haboona In Dadka Qabyaalad Lagu Kala Qaybiyo..” Jaamac Shabeel

Hargausa (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga
taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel),ayaa ka digay qabyaalada, waxaanu ku taliyey in laga feejignaado qabyaalada, oo si xun loo isticmaalo.

IMG_2AEEA6-95D2B5-FE4570-6B2E0F-DEA2D5-F94A55

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Somaliland marxalado iyo duruufo kala duwan soo martay 27 sanno ee ay Somaliya ka madax banaanayd, waxaanu ugu horeyn uu yidhi
“Maalmihii ugu dambeeyey ee bisha khayrka badan ee Ramadaan ayaa lagu jiraa, waxaana ALLE ka baryeynaa in bishan bisheeda uu khayr iyo nabad qab inagu gaadhsiiyo, waxaanu ALLE ka baryeynaa inuu camalkii wanaagsanaa ee aynu soo qabanay inuu inaga aqbalo, waxaanu ALLE ka baryeynaa inuu inoo naxariisto, ta kale waxaan guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku boorinayaa inaynu isku naxariisano, oo dadkeena jilicsan ee danyarta ah aynu wax tarno, markaynu inagu isku naxno ayuu ALLENA inoo naxariisanaya, wax kasta oo la kala tirsanayo waa in wanaag lagu xaliyaa”
Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey qabyaalada ayaa yidhi “Qabyaalada oo si xun loo isticmaalo, wax ina qabta maaha, runtiina aad baan uga digaya, qaran baynu nahay ee ma haboona in dadka qabyaalad lagu kala qaybiyo,ee ha looga feejignaado in qabyaalada dhinac xun looga faa’iidaysto, cid kasta oo qabyaalada bulshada soo dhex dhigta, oo qabyaalada isku dayda inay bulshada wax kaga doonto, waxaan leeyahay iska daaya, oo ALLE ha laga baqo”.
Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliland ayaa yidhi “Somaliland 27 sanno ee ay jirtay, ee ay dib ula soo laabatay xoriyadii ka luntay marxalado iyo duruufo kala duwan ayey soo martay, Xukuumaddo iyo Madaxweynayaal ayaa is bedelay, Doorashooyin xor iyo xalaala ayaa ka dhacay, markaas maanta inay Somaliland halkay joogta ay hore uga sii socoto mooye, lagama yaaban inay dib uga laabato, Beesha Caalamkuna waa inay Somaliland aqoonsiga ay uga Baahantahay Ay Siiyaan.”

Source:- Geeska