Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Dalka Ingiriiska Maxamed Cali iyo Xoghayaha xuquuq Insaanka ee Xisbigaas Marwo Faadumo Siciid oo shir la yeeshay Wasaaradda Arimaha Debeda ee Dalka Ingiriiska (United Kingdom)

D86B5630-8D00-4E74-9D30-9C200F0C5DA0Xoghaya Xuquul Insaanka iyo Arrimaha Gender-ka Marwo Faadumo Siciid Ibraahim iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee dalka United Kingdom (UK) Mudane Maxamed Cali ayaa maalinti Jimcihii ee 8dii June 2018 waxa ay shir la yeesheen saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debeda ee dalka UK (UK Foreign & Commonwealth Office). Shirkaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Debeda ee dalka UK ay ku leedahay caasimada dalkaasi ee London.

Shirka waxa lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen:
1. Duufaankii Khasaaraha Badan U Gaystay Shacabka Gobolada Galbeedka Iyo Xeebaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. Dagaalka Tuko-Raq Ee U dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Puntland.
3. Arrimihii Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Qabsoontay Jamhuuriyadda Somaliland 13kii November 2017, Doorashada Golaha Wakiilada iyo Dawladdaha Hoose ee Ka Dhici Doona Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Go’aanka Xisbiga Waddani ee Ku Aaddan Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
4. Arrimha Xuquul Insaanka Iyo Xoriyatul Qawlka Ee Ka Jira Jamhuuriyadda Somaliland.
5. Iyo Qodobo Kale
Shirkaasi oo mudo dheer socday waxa ay labada dhinac si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha kor ku xusan iyo qaar kaleba. Masuuliyiinta dhinaca Xisbiga Waddani waxa ay ka codsadeen Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Debeda ee Dalka UK in ay ka qayb qaataan garkaarka bini aadannimo ee ku wajahan goboladaas galbeed iyo Xeebaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Debeda ee Dalka UK na way aqbaleen codsigaa waanay balan qaadeen in ay ka qayb qaadan doonaan gurmadkaas ka dhashay duufaankii ku dhuftay Somaliland.
Labada dhinac ee shirku dhexmaray waa Masuuliyiinta Xisbiga Waddani iyo kuwa Wasaaradda Arrimaha Debeda ee Ingriiskee waxa si xeel dheer uga wada hadlay qodobada kor ku xusan iyo arrimo kaleba, waxana laysla qaatay in ay kulamo kale ay yeeshaan labada dhinac.AB99039D-7E4B-464A-8A97-62DBED234F47