[Deg Deg ]:- Dalka Marti Galin Doona Koobka Aduunka Sanadka 2026 Oo La Shaaciyey + [ Waa Dalkee ]

Moscow (Salaanmedia.com)_ Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico oo wada-jir
ah ayaa ku guuleystay marti-gelinta koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, kadib codbixin maanta ka dhacday dalka Ruushka, oo berrii u ka furmayo koobka adduunka.

IMG_D2F828-323D46-2FEFFD-0ADF66-8A8D90-ACCBC1

Saddexdan dal ayaa ka adkaaday dalka Morocco, oo ah kan kaliya ee la loolamayey.
Waxay haleen 134 cod oo ka mid ah codadka guddiga wakiilada xidhiidhada dunida ee doorashada sameynayey, halka Morocco ay ka heshay 65 cod.
“Tani xaqiiqdii waa daqiiqad muhiim u ah kubadda cagta Waqooyiga America” waxaa sidaas yiri guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Mareykanka Carlos Cordeiro.
Koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, ayaa waxaa markii ugu horrreysay ka qeyb gali doona 48 dal, halka iminka ay ka qeyb-galaan 32 dal.