Maraykanka oo shuruud ku xidhay qaadidda cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi..June14.18

Maraykanka oo shuruud ku xiray qaadidda cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi..June14.18

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi aan lagaqaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubka Nukliyeerka ah.

Pompeo oo magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada koonfureed uu kula kulmay dhigiisa dalkaasi iyo Japan ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadda Pyonyang ay ka go’antahay inay fuliso arrintaasi.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo waxa uu u tegay Seoul oo ah caasimadda Kuuriyada Koonfureed si uu ugu qanciyo dalkaasi iyo Japan in heshiiska taariikhiga ahaa ee dhex maray Trump iyo Kim Jong-Un uu dan uu yahay dhinacyada oo dhan.

Waxa uu sheegay inuu rajaynayo inuu arko Kuuriyada Waqooyi oo gebi ahaanba burburisay hubkeeda khatarta ah marka la gaaro dhammaadka sanadka 2020-ka.

Dalal uu ka mid yahay Japan ayaa shaki ka muujiyay qaabka loo hirgelinayo heshiiska dhex maray Trump iyo Kim, waxaana ay sheegeen in aanay ku caddeyn heshiiskaasi xilli Pyongyang looga fadhiyo inay burburiso hubkeeda wax gumaada.

Balse Pompeo ayaa carrabka ku adkeeyay in aan Kuuriyada Waqooyi cunaqabateynta laga qaadi doonin ilaa iyo inta ay ka burburinayso hubkaasi.

Waxa uu intaas ku daray in Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay ka go’an tahay xaqiijinta hub ka dhigidda xukuumadda Pyongyang.

Source BBC Somali_102014183_51c98452-1523-4e8b-8d94-af702e38f6b1