Khasaaraha Ka Dhashay Rabshado Maanta Ka Dhacay Magaalada Laascaanood

Laascaanood (Salaanmedia.com)_ Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ka dhacay Mudaharaad, kaas oo ka danbeeyay ka dib markii ciidamada qaranka somaliland gaadhi ay wateen uu soo galay Magaaladda.

35295492_2062351937356540_4170808505961283584_n-300x207

Ciidanka Saarnaa Baabuurkaasi ayaa damacsanaa in ay ka adeegtaan Suuqa Magaaladda Laascaanood, hasayeeshee dadka deegaanka ayaa shiid hadhka kaga dhigay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay laba dumar ah.
Sidda ay Rabashadaha ayaa sababay in albaabada loo laabo dhammaan xarumihii ganacsiga iyada oo lagu jiro maalmihii ugu dambaysay ee diyaar-garawga maalintii ciidda.
Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay dhinaca maamulka Magaaladda Laascaanood, waxaana dadkii halkaasi ay dhaawacyadu ka soo gaadheen loola cararay cusbitaalka ,halkaas oo iminka dhaawacooda lagu dabiibayo.