“Kiiska Ay Puntland Ka Hadlayso Ee Isirka, Caalamku Ma Fahmayo, Waana Inay Somaliland Iyo Soomaaliya Ka Wada Hadlaan” Ismaaciil Hurre Buubaa

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in wax aad loola yaabo tahay in Somaliland oo xadkeedii joogto in haddana laga dhigo inay Puntland ku tacadiiday, kuna xad gudubtay, waxaanu xusay inay Somaliland xaq u leedahay inay xadkeeda gaadho, isagoo soo jeediyey in xaalada ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan Tuko-raq, inay Somaliland iyo Somaliya ay ka wada hadlaan.

Buubaa-1132x670-300x225

Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhoofka xoolaha ee uu u Sucuudigu furay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Somaliland waxay leedahay xadkaygii baan doonayaa in aan gaadho, Puntland waxay ku doodaysaa abtirsiimo, waana laba arimood oo aan is liqi karayn, arimahaas oo kalena ma wanaagsana inay noqdaan mindi mindi ku taag, waxaana wanaagsan in si degan arintan loo galo, Somaliland xaq bay u leedahay inay xuduudeeda gaadho, wax loo baahan yahay maaha in Somaliland oo xuduudeedii ku jirta in laga dhigo inay Puntland ku soo tacadiday, kiiska ay Puntland ka hadlaysana waxaan u arkaa inuu yahay kiis aanu Caalamku fahmi karayn, waxayna ila tahay in arinkan ay Somaliland iyo Somaliya ka wada hadlaan iyadoo cid dhex joogto”.
Mar uu ka hadlaayey sida uu u arko dhoofka xoolaha ee uu Sucuudigu furay ayaa yidhi “Waa loo baahan yahay oo xoog baynu ugu baahan nahay in dhoofka xoolaha la inoo furo, waana in laga faa’iidaystaa, waana in la hubsadaa in xoolaha inaga dhoofayaa inay yihiin xoolo tayo leh, oo caafimaad qaba, waayo dhaqaalaheenii oo dhan baa ku xidhan, oo sicir bararka baa ku xidhan, dakhliga dawladda ayaa ku xidhan, waana in la joojiyo wax alaale wixii dhibaato ku ah dhoofka xoolaheena”.