DAAWO:KHATARTA HESHIISKA SOMALIYA & ETHIOPIA EE 4-DEKEDOOD EE BADA CAS..JUNE18.18

KHATARTA HESHIISKA SOMALIYA & ETHIOPIA EE 4-DEKEDOOD EE BADA CAS..JUNE18.18

HESHIISKA SOMALIYA & ETHIOPIA EE 4-DEKEDOOD EE BADA CAS: Daawo: Madaxweynaha Soomaliya Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Siwada Jira Muqdisho Warbaahinta Ula Hadlay..June 15.18

Ma-aha Aragtì Qurxoon in Xukuumada kulmiye iyo Qaarkeen weli ku doodayaan, Somaliya ayaa kula heshiisay 4 dekedood Ethiopia; iyadoo Xisbigan & Xubnahan aragtidoodu tahay inay ansixiyaan Xatooyadii lagula kacay dekedii Berbera oo ahayd Hooyadii Somaliland.

Somaliya Dekedahooda iyagaa leh, Haday Gadanayaan, Heshiis ku gelayaan ama Bilaash ku bixinayaan; Horeba TURKI & UAE ayay ku wareejiyeen Qaar ka mid ah Dekedahooda.

Shacabka Somaliland Waxaa Xil ka saaran yahay Dalkooda & Dekedahooda; Mana AQBALAYNO marna in Dekedahayaga iyo Maal-gashigooda loo maro Jid-khaldan & Heshiis Qarsoon oo dad-gaar ahi dano Siyaasadeed iyo dano Dhaqaale ka leeyihiin.

KHATARTA HESHIISKA:
Khatar badan ayaa Somaliland ugu jirta heshiiskan oo inooga baahan inaynu wax iska weydiino sida:
a) In Ethiopia Ogolaatay Midnimada & Wadajirka Somaliya inay tahay lama-taabtaan
b) In Heshiiskasta oo lala gelayo Maamul-goboleedada oo ay ku jirto Somaliland loo maro Dowlada Xamar
c) In 4-ta Dekadood ee Ethiopia loo saxeexay ee ku teedsan Bada Cas “Red Sea”, ay BERBERA & SAYLAC-ba ka mid yihiin.
d) In Jidadka ama Wadooyinka la kala saxeexday ee Dhinaca isu-socodka & Ganacsiga uu ka mid yahay Jidka Xukuumada Kulmiye iyo Dilaaladeedu ugu yeeraan “Berbera Corridor”, kaasoo in badan dhegeheena ku soo noqnoqday.

MAXAA KA SOO IF-BAXAY HESHISKAN:
In Somaliya tahay Cida Saxeexday Wareejinta deked Berbera, iyadoo ay u fududeeyeen Xukumadihii kala dambeeyey ee Kulmiye iyo Dad dano Dhaqaale & Siyaasadeed ka lihi.

FARIIN:
Shacabka Somaliland ha ilaashadeen Madaxbanaanidooda iyo Khayraadkooda “Waad Baahan tahay Bakhti Looma cuno”.

Shacabka somaliland ha iska ilaaliyeen Dadka Danaha Dhaqaale, Siyaasadeed ama Reer-nimo ka leh Xaalada Dekeda Berbera; Guud ahaan Kheyraadka Dalka iyo Dhabar-jabka ku dhacay Qaranimada iyo Madax-banaanida Somaliland ee Shaarubaha Libaaxa Malabka inoo Marinaya oo ay ugu horayso Xukuumada Kulmiye.

Afhayeenka Yurub
Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan