Wasirka Maaliyaddu ee Somaliland waa shax godkeedi la degay..June 18.18

maqaalWasaaradda Maaliyaddu  waa laf  dhabarka dalkeena waana halbawlaha waraabiya dhamaan hayadaheena duwaliga ah.

Wasaaradda Maaliyaddu  waa ta kala  wadda nolasheena, waana ta kal wadda habka dhaqan dhaqaale ee dalkeena, haddii khalkhal galo ama gaabis ku yimaado wasaaradda maaliyada Aminigeenu khal khal buu gelayaa,  adeeg caafimaadna jiri mayo, waxbarasho iyo horumarna hadalkeedab iska day,  isku soo wadda dubo Qarannimo siday ku jiraysaa baa adkaanaysa.
Haddaba waxaa inla gudboon inaynu masuuliyinta Wasaaraddaas loo magacaabayo aynu si wayn oo taxadir leh uga fekerno kuna soo xulno, Aqoon, Karti, hufnan,  Cadaalad, wadda shaqayn( Team Work)  iyo Daacadnimo.
Wasaaradda Maaliyaddu  uma baahan Siyaasi ee waxay  u baahantahay Dhaqaale yahay.
Ball an iskiin brao  Wasirka Wasaaradda Maaliyaddu ee Somaliland  mudane Yusuf Maxamed Cabdi Raage.
Aqoontiisa Waxbarasho oo uu inta  badan debadda ku sameeyay.
1. Master of public Administration
2. Master of public  finances
3. Master of science of international trade law and development.
Khibradiis dhaqaale.
Wasirka Maaliyaddu  oo mudaddii ugu badnayd ka soo shaqeeyay Wasaaradda  Maaliyadda oo uu shaqadaas  ka bilaabay isaga oo dadiisu aad u yartahay kana soo shaqeeyay badiba waaxa ah Wasaaradda side kastamadda, Cashuuradka beriga goboladd iyo xarunta dhexe ee Wasaaradda  kana gaadhaay heer sare.
Wasir Yusuf waa nine ku fiican Cibaadadda iyo Alla ka Cabsiga waana nine dhallinyaro ah oo aad iyo aad u fir fircoon, xagga wadda shaqaynta waa mid soo gelaysa waxbarashadiisa
(Master of public Administration ).
Ka dib markii uu xilka la wareegayba waxa uu wax ka bedel ku sameeyay madaxdii waaxa ah Wasaaradda oo uu ku bedelay dhallinyaro  Aqoon sare leh oo fir fircoon iyo Dar dar hor leh ku hogaamisay waaxihii Wasaaradda taasina waxay keentay  in isbedel  wayni ku yimaaddo maamulkii shaqo ee Wasaaradda oo dhalisay kor u kac dhaqaale iyo Siyaasad cusub oo dhaqan dhaqaale
iyadda oo uu dhaqaalaha Wasaaradda muddo deer ku salaysnaa Cashuuradka Kastamadda laakin iminka culayska la saaray Cashuurta Beriga oo adduun waynaha kale u ah laf dhabarka dakhliga.
Taasina waxy keentay kor u kac dakhliga iyadda oo ay jiraan duruufo badan oo adag oo ka hor yimi wasirka iyo team kiisa.
Wasirka Maaliyaddu wuxuu isku xidhay Wasaaradda Maaliyaddu,  Bangiga  dhexe iyo guddida Qandaraasyadda oo wadda shaqayn dhawi ka dhaxayso si ay meesha uga baxdo wax aliyaale iyo wixii mad maddow ahi.
Tan iyo intii Somaliland  jirtay  waa markii  ugu horaysay ee loo magacaabayo Wasaaradda  Maaliyadda Wasir dhaqaale yahay ah, waxaan anigu is leeyahay maanta ayuu yimi ninkii wasaaradaas  Ehelka u ahaa.
Horaana loo yidhi marka Ilaahay wax ku siinayo dadkeedu ku siiyaa.
Gebo gebaddii iyo gunaanadkii waxaan leeyahay Alayle Shaxdaas godkeedi baa la degay.
Runtii waxaa igu kalfay qoraalkan markan arkay qoraallo lagu dhaliilayo Wasirka Maaliyadda ee Somaliland ban goaansaday in ka dhiibto fikirkayga iyo sidaan u arko aniga  oo ku salaynaya aragtidayda warbixintaas an kor soo dhigay.
Dhaliisha madaxda qaranku way furantahay oo waxaynu nahay dal dumuqraadi ah laaakin ha noqoto mid ku salaysan xog rasmiyah.
ALLA MAHAD LEH
faisal  farafidiye