“Somaliland Meeqaamkii Ay Beesha Caalamka Ka Taagnayd Hoos Ayay Uga Dhacday…” Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay In Uu Mar Kale U Tartamayo Madaxweynenimo

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in xukuumadda KULMIYE laga doonayo in ay si waafi ah shacabka uga jaahil saarto heshiiska Dekedaha ee Dhex Maray Soomaaliya iyo Itoobiya in ay ku jirto Dekeda Berbera.
Sidoo kale waxa uu cadeeyay in Somaliland meeqaamkii ay ka taagnayd beesha caalamka ay hoos uga dhacday intii ay xukunka u kala danbeeyeen Xukuumaddaha KULMIYE.
Dhan kale waxa la weydiiyay guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) in uu mar kale u tartamayo Madaxweynenimo

Halkan hoose ka DAAWO warkan