Dag Dag-Waa Kuma Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Ka Tirsan Ee La Filayo Inay Kasoo Muuqdaan Isku-shaandhaynta Madaxweyne Biixi June 18, 2018

Dag Dag-Waa Kuma Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Ka Tirsan Ee La Filayo Inay Kasoo Muuqdaan Isku-shaandhaynta Madaxweyne Biixi

June 18, 2018 Hargeysa (SM) – Waa Kuma Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Ka Tirsan Ee La Filayo Inay Kasoo Muuqdaan Isku-shaandhaynta Madaxweyne Biixi

Warar lagu kalsoonyahay ayaaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu samayn doono maalmaha soo socda isku-shaandhayntii ugu horeysay ee xukumaddiisa oo badi shacabka Somaliland saluug ka muujiyeen.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in madaxweyne Biixi uu markan soo cugan doono siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka gaar ahaan xisbiga sida ba’an u loolameen xilligii doorashada ee Waddani.
d
Siyaasiyiinta ka iman doona xisbiga Waddani ee uu madaxweynuhu soo xulan doono ayaa loo badinayaa inay yihiin:

1.Afyaheenka xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa isla markaana ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada.

2. Cabdirisaaq Khaliif oo dhawaan loo magaacabay gudoomiye ku-xigeenka xisbiga Waddani ahna masuul taageero balladhaan ku leh gobolka Sool oo uu kasoo jeedo.

3.Siciid Sulub oo kamid ahaa wasiiradii xukumadii Riyaale haatana ka mid ah

Nus-dambeedka xisbiga Waddani.

4. Axmed Maxamed Cumar (Xamarje) oo hore u noqday badhasaabka gobolada Togdheer iyo Maroodi-jeex haatana kamid ah saraakiisha xisbiga Waddani.

Masuuliyiintan ayaa loo badinayaa inay xilalka ka badeli doonaan wasiirada haatan ku jira xukumadda Biixi ee ay isku haybta yihiin.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Geeska