Daawo Sawiro…Kulan casho sharafeed oo West London Somaliland shahaado ku guddoonsiisay Frieda Van Gyer.

IMG_7059
Habeenkii Jimcaha ee bishan March aheyd 7-da ayaa Hibaq Farah ku maamustay casho sharaf gabadha la yidhahdo Frieda Van Gyer oo ka mid aheyd dadkii ku guuleystay Somaliland Achievement Awards 2013 oo qabsoomay bishii december 20-keedii 2013-kii.Waxa kale oo kulanka goob-joog ka ahaa Madax ka tirsan Xisbiga UCID Faadumo Siciid oo ah Gudoomiyaha Maaliyadda Xisbiga UCID oo booqasho ku joogta magaaladda London.
photo_1_d2069857f42d2b506724d6c94889a2f3
photo_2_9535c11b7ed4c74f4f72ec0f7f78fa4a

Casho sharaftaas waxa ka qeyb gallay masuuliyiinta West London Somaliland Community.  Cashadan waxa ay ujeedadeedu aheyd in Frieda Van Gyer laggu guddoonsiiyo shahaado sharaftii ay ku guuleysatay madaama ay dalka ka maqneyd markii munaasibada awards-ku dhacday isla markaana ay Iqbal Farah oo ay asxaab yihiin u qaaday. Marwo Frieda Van Gyer oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Switzerland laakiin daggan dalkan Ingiriiska, ahna gabadh umuliso ah (midwife) oo hawl gab ah (retired), waxa ay tagta Somaliland sanad walba si ay u gacan siiso dhakhtarka weyne Hargeisa qeybtiisa umulaha oo ay markaas ka qeyb qaadato sare u qaadida aqoonta umulisooyinka dalkeena Somaliland.
IMG_7031

Waxa halkaas ku guddoonsiyay shahaado sharaftii ay ku guuleysatay gudoomiyaha West London Somaliland Community mudane Iman Mohamed Isse.  Casho sharafta waxa kaloo kasoo qeyb gashay marwo Faadumo Saciid, xoghaya dhaqaalaha ee xisbiga UCID. Cashadaas oo si qurux badan u dhacday waxa urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community aad ugu mahad naqayaa muwaadinada Iqbal Farah oo soo qaban qaabisay.

IMG_7031 photo_2_9535c11b7ed4c74f4f72ec0f7f78fa4a IMG_7059IMG_7028 IMG_7031 IMG_7032 IMG_7034 IMG_7038IMG_7043IMG_7046 IMG_7049 IMG_7051 IMG_7052 IMG_7053 IMG_7055 IMG_7056 IMG_7057 IMG_7058 IMG_7059IMG_7061