MADAXWEYNAHA SOMALILAND SIRAANYO OO TALAABO GEESINIMO LEH KU TILMAAMAY GO’AANKA GOLAHA DEGAANKA SHEFFIELD

image

Sheffield ee Ingiriisku ku aqoonsaday Somaliland.

“ Dawladda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa Talaabada Geesinimada leh ee Golaha degaanka Sheffield qaaday. Dadka Somaliland way u qalmaan in la citiraafo” ayuu Madaxweyne Siraanyo ku sheegay Boggiisa Twitter-ka.

Golaha degaanka Sheffield ayaa shalay Aqoonsaday Qaranimada Somaliland, iyadoo noqonaysa Bogcadii ugu horaysay ee dunida ah, taasi oo si rasmiya u aqoonsata Jiritaanka iyo dawladnimada Somaliland. Shacabka Somaliland ayaa si aada u hadal haya, iyadoo la filayo inay Albaabada u furto arintani meelo kale oo dunida ah iyo siyaabo kale oo Citiraafka loo raadiyo.

Salaanmedi/Hargaysa