TORONTO:- SHIRKII BEELWAYNTA ARAB IYO GUDIDA LASOO XULAY EE KA DHACAY TORONTO IYO QODOBADII AY SOO SAAREEN AKHRISO + DAAWO SAWIRADA.

Toronto-(SM)- Waxaa Magaalada Toronto ka dhacay Shir ay ku kulmeen Guddida Beelwaynta Arab ee ku dhaqan Magaalada Toronto, Shirkaasi wuxuu u furmay kuna dhammaaday jawi fiican aadna waa la iskugu afgartay

Toronto-(SM)- Waxaa Magaalada Toronto ka dhacay Shir ay ku kulmeen Guddida Beelwaynta Arab ee ku dhaqan Magaalada Toronto, Shirkaasi wuxuu u furmay kuna dhammaaday jawi fiican aadna waa la iskugu  afgartay Qodobbadii lagaga wada hadlay dhamaantood.

Waxaana shirkaasi si qoto dheer Loogaga wada hadlay Arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin in Si Buuxda Loo taageero Shirka ka dhici doona bisha June horraanteeda ee sananadkan Magaalada Baligubadleee Jamhuuriyadda Somaliland. Dhinaca kale Waxaa kaloo la’isla soo qaaday Waddada Cusub ee Go’aankeeda la dhaqan galiyay ee laga dhisi doono isla mar

 

ahaantaa isku xidhi doonta Baligubadle iyo Dhagaxbuur.

 

Waxaa kaloo  la isla soo qaaday in beeshu ay xoojiso midnimadeeda iskana ilaaliso wixii kala qaybin iyo tafaraaruq u horseedi kara.

Qodobka sida qottada dheer loogu dheeraaday ee aadka loogu garfooyay Shirkan Toronto wuxuu ahaa  sida ay Xukuummadda Siilaanyo uga gaabisay Horumarka Gobolka Hawd isla markaana ay uga baxday fulinta ballanqaadyadii ay Beesha Arab hore ula gashay.

Halkan Hoose ka Akhriso Qodobadii Shirka Toronto ka dhacay iyo Go’aammadii laga soo saaray.

1:- In La Taageero shirka ka dhicidoona Baligubadle.

 

2:- In la garab istaago Gudidda Qabanqaabada Shirka Baligubadle.

 

3:- In La ilaaliyo Dhamaan Nabad galyada Mandaqadda oo dhan gaar ahaan Somaliland.

 

4:- In Lagu hambalyeeyo Madaxweynaha Kililka Shanaad Mudane Mahamed Omar Ilay Tallaabada Geesinnimada leh ee uu qaaday ee ku aaddan dhismaha Waddada uu ansixiyay ee Baligubadle ilaa Dhagax-buur isku xidhidoonta.

 

5:- In laxoojiyo oo la adkeeyo xidhiidka Beesha Arab meel ay ku noolyihiinba min bari illaa galbeed.

 

6:- in la xoojiyo wada shaqaynta Guddiyadda beelwaynta Arab ee qurba joogta ah.

 

7:- In La taageero wax kastoo Horumar keeni kara ee kasoo baxa shirka Baligubadle.

 

8:-In ay isku Xidhmaan Guddiyada Dibadda iyo Kuwa Gudaha ee Beesha Arab.

 

9:-in Meel looga soo wada jeesto Horumarinta dhismaha Gobolka, Sida Waddooyinka, waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha  iyo Wax kasta oo ay ka gaabiyeen Dowladihii soo maray Somaliland oo ay ugu sii liidato tan maanta jirtaa ee uu Siilaanyo Hogaamiyo.

 

10:- In Qurbajoogta Beelwaynta Arab Ay Qabsadaan Shirar Joogta ah si loo kobciyo loona hormariyo wixii khuseeya beesha.

 

Wabilaahi Towfiiq.

Gudidda Beelwaynta Arab ee Toronto, Canada.