Daawo Sawiro…Hargeysa Oo Laga Hirgeliyay Huteel Aan Noocisu Hore Dalka Uga Jirin + Munaasibaddi Furtaanka Oo Kulmisay Haldoorka Hargeysa Iyo Madaxda Xukumadda

1

Hargeysa Oo Laga Hirgeliyay Huteel Aan Noocisu Hore Dalka Uga Jirin + Munaasibaddi Furtaanka Oo Kulmisay Haldoorka Hargeysa Iyo Madaxda Xukumadda

20

Hargeysa-(SM)-Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa ayaa laga hir geliyay Huteel Cunto oo aan noociisu hore dalka uga jirin hoteelkani oo loogu magac daray Mediterranean Restaurant ”Midhitareeniyan” ay waxa furay Ganacsato isugu jirta Somali iyo Turki waxana Munaasibaddi Furitaan Huteelkaasi oo si heer sare ah looso agaasimay  kasoo qayb galay Masuuliyiin Xukumadda ka tirsan Siyaasiyiin haldoorka tira badan maamulka dugsiga Turkishka ah Ee NILE iyo marti sharaf kale.

6

Waxana huteelkani oo laga bineeyay Meel Qiyaastii Wax ka yar 1 Km Koonfur Galbeed ka xigta hotel Ambasidoor Ee ka agdhow Madaarka Cigaal Ee Hargeysa,

8

Cuntooyinka lagusoo bandhigay madashi furitaanka Huteelkaasi iyo kuwa lagu samayn doono ayaa noqonaya Kuwa dalalka Laysku yidhaahdo Mediterranean -Ka iyo kuwa kaleba.

28

Mulkiilaha Huteelkani Libaan M.Hajji Hasan oo ugu horaynba Munaasibaddasi ka hadlay ayaa dhankiisa iftiimiyay sidda ay usoo dhowaynayaan Cid kasta oo macmiil la noqosa hoteelkani islamarkaana hufnaan iyo karti dheeraad ah loogu adeegi doono guud ahaan martidda Huteelka sidoo kale Libaan waxa uu sheegay in Cheif ka huteelkani uu yahay nin Udhashay dalka Turkiga

Caaqil Cabdiweli oo kamid ah Madaxda dhaqanka Somaliland oo isna Xafladdi furitaanka hotelkani ka hadlay ayaa soo dhoweeyay Furitaanka Huteelkani

23

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

”Caawa laga bilaabo Macaamiishi Hudheelkanu noqonay Cunto cusub iyo waxyaabo badan oo aan jiri jirin ayuu soo kordhiyay waanuna uducaynayna ganacsatadda Furtay ee Turkiga iyo somalidda isugu jirta ilaahay haw barakeeyo turkiguna waa dad muslin ah oo aynu isku diin nahay waxanan leenahay wadanka kusoo dhowaadda waa dalkiini labaad wanan dhiiri gelinaynaa.”

2

Siyaasi Abdulaahi Axmed Daamur oo ka tirsan Golaha Dhexe Ee Xisbi Mucaaridka WADDANI Oo isna halkaasi ka hadlay ayaa geestisa bogaadiyay mulkiilayaasha Huteelkani

”Runti farxad bay noo tahay huteel cusub oo keenaya cunto ka duwan tii hore ee magaaladda lagu hayay wax weyn bayna utahay Caasimadda Dalka waana horumar dalka kusoo kordhay in cuntooyinkii Midhitareniyanka ee dalalka dibadda maanta masalaha lagu cunaana waa hormar aad uweyn waanan bogaadinaynaa dadkana waxanu leenahay soo booqda anagu caawa casho macaan baanu ka cunay oo aan hore dalka looga heli jirin ee.”

14

Wasiiraddi hore ee Wasaradda Qoyska xukumaddi UDUB Faadumo Suudi Hassan iyo Maamulaha Dugsiga Turkishka ah NILE ee Magaladda Hargeysa Hussein oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhankooda si isku mid ah u  hambalyeeyay furitaanka huteelkani Hussein oo isagu ah nin udhashay dalkaasi Turkiga ayaa dareen farxadeed dhankiisa ku qaabilay inuu markii uhoreysa taariikhda cuntaddi dalkiisa Si hawl yari ah uga helo Hargeysa

25

Wasiiru Dawlaha Wasaradda Waxbarashadda Somaliland Axmednuur Faahiye oo Gabagabaddi munaasibaddasi ka hadlay ayaa Daah Furay Hoteelkani waxanu ku tilmaamay horumar inuu furitaankiisu yahay horumar dalka ka hirgalay

5

” Ganacsatadda Furatay hudheelkan waxan leeyahay ilahay haydiin barakeeyo Hargeysa amba Somaliland-ba way ubaahnayd inay aragto cuntooyinka Dalalka turkiga iyo Midhitareeniyanka marka dhalinyarradda Hargeysana waxa loo baahan yahay inay  yimaadaan si iyagana muruqyadu uwaaweynaaddan Sida turkiga aniguna caawan bilaabay waanan waday hoteelka ilaahayna waxan uga baryaaya inuu noqdo meel ilaahay ganacsatadda furatay ubarakeeyo”

Sikastaba ha ahaate Hoteelkan Mediterranean Restaurant ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee taariikhda abid Hargeysa laga hir geliyo huteel casriya oo samaynaya Cuntoyinka Dalalka Mediterranean iyo kuwa kaleba..

36 35 34 32 3127
2422
18 17 16 15
1310 97 6
4 3
1

Â