Taageerayaasha Gunners Oo Carro Kala Duldhacay Tababare Wenger Ka Dib Guuldaradii Everton

Taageerayaasha Gunners Oo Carro Kala Duldhacay Tababare Wenger Ka Dib Guuldaradii Everton

TAAEEGEERAYAA

Kooxda Everton ayaa ku riyaaqday guul 3-0 ah laakiin kooxda waqooyiga London ka dhisan ayaa taageerayaasheeda ay carro kala duldhacayaan tababarahooda iyadoo kooxda Merseyside Blue ay u dabaaldegeyso guul weyn.
Wenger ayaa caan ku ah inuu yidhi kaalinta afaraad oo lagu dhameysto waxa ay u fiican sida koob la qaado, laakiin waxa ay u muuqataa in Gunners haatan lagu heysto booskaas afaraad madaama ay guuldarro ka soo gaartay Everton oo kulan u harsan yahay.
Ka dib ku dhawaad sagaal sanadood oo koob la’aan ah, taageerayaasha Gunners samirkii waa ka soo dhamaaday.
Waxaana bogaga bulshada ka socda olale weyn oo loogu baaqayo inuu Wenger baxo, iyadoo mowduuca #WengerOut uu noqday mid ka mid ah waxyaabaha loogu hadalheynta badan yahay Twitter waqti yar gudaheed ciyaarta ka dib.
Mid ayaa soo qoray: “Waan ka quustay Wenger. Waad ku mahadsan tahay shaqadii aad noo soo qabatay iyo kubada aan mar walba ixtiraami doono laakiin waxaa la joogaa waqtigii aad bixi laheyd.”
Halka mid kale uu soo qoray: “Xitaa aaminaad kuma qabo in Wenger uu ku guuleysan karo FA Cup. #Arsenal. Waxaan nahay kuwa aan waxba ahayn. #Wengerout.”
@GoonerBBK ayaa isna yidhi: “Taatikadaada waa mid dhacday, ma shaqeyneyso, waxaadna sii wadaa inaad sii isticmaasho. #Wengerout”.
Taageere kale ayaa yiri in Everton ay ka ciyaar badiso Arsenal inaysan aheyn wax aan loo dulqaadan karin: “Waan fahmi karaa in kooxdii Mourinho ee Chelsea ay meel na saartay, ama tii Pellegrini ee City, laakiin ma Martinez-ka Everton?”