Santi Cazorla Oo U Digay Arsenal: Koobab Ku Guuleysta Ama Waan Baxayaa

Santi Cazorla Oo U Digay Arsenal: Koobab Ku Guuleysta Ama Waan Baxayaa

SANTI CAZ

Santi Cazorla ayaa qirtay inuu raadin doono inuu ka tago Arsenal ama inay kooxda bilowdo inay koobab ku guuleysato.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa dhawaan qandaraaskiisa u kordhiyay kooxda ka dhisan Emirates Stadium isagoo qandaraaskiisa ku kordhiyay 12 bilood waxaana uu qandaraaskiisa dhacayaa 2017.
Si kastaba, wareysi uu siiyay Sport 360 Cazorla ayaa si maldahan ku sheegay in laga yaabo inuu ku laabto wadankiisa Spain haddii kooxda aysan awood u yeelanin inay koobab waa weyn u tartanto.
“Waxaan doonayaa koobab, waana sababta aan u imid Arsenal” ayuu Cazorla u sheegay Sport 360.
“Ciyaaryahan kasta waxa uu doonayaa inuu koobab ku guuleysto. Waxaana ina soo martay sannado badan oo aanan koob ku guuleysan. Haddii aan ku guuleysan waxa xiga ee aan raadin doono ayaa ah inaan meesha xigta aan tagayo fursad u yeesho inaan koob ku guuleysto.
“Ma doonayo inaan albaabada xirto. Marka aan noqdo 31 sanno jir waxaan qiimeyn doonaa nafteyda, waxaana xulan doonaa fursada iigu fiican. Taasoo ah inaan ku faraxsanaan doono inaan ku laabto Spain.