Messi Oo Lagu Eedeeyay Guuldarada Barca Ka Dib Markii Uu Orday Kaliya Hal Mile In Ka Badan Goolhayaha

Messi Oo Lagu Eedeeyay Guuldarada Barca Ka Dib Markii Uu Orday Kaliya Hal Mile In Ka Badan Goolhayaha

Messi

Ku guuldareysashadii Lionel Messi uu ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho kulankii xalay ee Atletico Madrid iyo awood la’aantii tababare Gerardo Martino uusan waxba uga sameynin ayaa keentay in loo sababeeyo ka haritaankii Barcelona ee Champions League.
“Waxa uu orday kaliya hal mile in ka badan goolhaye Pinto” ayuu ahaa cinwaanka mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Barcelona, iyadoo istaatistikada ciyaarta ay soo bandhigtay in xiddiga reer Argentina uu cararay intii ay ciyaarta socotay 4.2 mile taasoo ah kala bar intii uu dhaqdhaqaaqay xiddiga Atletico u badiyay Koke.
“Ma aanan xiiseyneynin xaqiiqdii in Leo uu qeyb libaax leh ka qaato ciyaarta” ayay aheyd hadaladii uu yiri tababare Martino markii la weydiiyay sababta uu Messi saameyn yar u yeeshay kulankii ay badisay Atletico, waana hadalo dib u gaarsan doona tababaraha reer Argentina.
“Waxaan kaliya dooneynin inuu dhanka midig ku helo fursado hal ka hal ah” ayuu yiri tababaraha kaasoo kala dhantaalay qaacidadii uu Messi iyo Barcelona u dejiyay Guardiola lixdii sanno ee ugu danbeysay.