Manchester United Oo Dooneysa Alex Song

Manchester United Oo Dooneysa Alex Song

Alex-Song3

Kooxda haysata horyaalka ingiriiska ee Manchester United ayaa bartilmaameed ka dhigatay xidiga Barcelona ee Alex Song waxayna tartar xoogan lagali doontaa kooxaha Ac Milan, Liverpool iyo Atletico Madrid. David Moyes oo sidoo kale doonayay Toni Kroos iyo William Carvalho ayaa aad u la dhacsan awooda ciyaareed ee Song.

26 jirkan u dhashay Cameroon ayaa Barceloan xili ciyaareedkan u saftay 28 kulan laakiin wuxuuna ku guulaysan inuu boos joogta ah ka helo kooxda 1aad ee Barcelona. Wuxuuna ciyaarta ku bilawday 12 kulan oo kaliya 43 ciyaarood oo horyaalka spain iyo yurub ah. Barcelona ayaa iyana doonaysa inay lacag ku hesho.

Fifa ayaa ku soo rogtay Barcelona ganaax ah labada suuq kala iibsi ee soo socda laakiin taasi kama horjoogsanayso inay ciyaartoydooda iibiyaan.

Song ayaa Arsenal kaga soo biiray kooxda faransiiska ah ee laydhaa Bastia isagoo dadiisu aheyd 18 jir, wuxuuna Arsenal u ciyaarayay 7 sanadood wuxuuna ka mid ahaa ciyaartoyda muhiimka ah ka hor intii uuna Barcelona ku biirin