Fadeexadda Dul Hoganeysa Wasiirka Macdanta:( Kii Dhuumanaayee, Dhabarku muuqdaw…………..) By Abdi Geireh

MAQAAL             

  Fadeexadda Dul Hoganeysa Wasiirka Macdanta:

             ( Kii Dhuumanaayee, Dhabarku muuqdaw…………..)

                                               By Abdi Geireh

    ASC. Waa arrin naxdin leh.Waa nasiib daro iyo ceeb inteeda leeg oo qof kasta oo damiir iyo dadnimo leh weji gabax ku noqon laheyd. Hortaba markii xilkan loo magacaabey waxey wasiirkii maaliyada oo ahaa Maxamaed Xaashi la isaga hor yimid lacag 500.000 doolar aheyd oo shirkado heeshiis uu la soo galey in uu khasanada dawlada ku shubo oo ay marto habka maaliyadeed ee dawliga ah.

Inkasta oo Siiraanyo markii dambe ku amrey in uu yeelo sida wasiirka maaliyadda; haseyeeshee,waxa ay dad badan rumeysan yihiin in arrinkaasi ka ahaa  waxyaabaha xilka qaadista Maxamed Xaashi soo dadejiyey.

    Qof marka uu dambi ama xatooyo ula kac ah galayo wuxu u gala si qarsoon .  markase, la ogaado  hoos ayuu dadka uga foorarsadaa wejiga ma siin karo dadka ama uu isagaba tegaa meeshaasi ee indha cadeyskan oo kale ma arag!

Wasiirku waxay aheyd markuu ogaadey in dambigii uu gacmaha kula jirey in warbaahintu ummada u soo bandhigtey in uu hadal la’aan isku casilo kana cararo ilaa Mareykankii Siiraanyo ka keeney, ama afka xirto, xaal mastuur iyo gurmad dirsdo  ee mey aheyn in uu  warbaahinta soo horfadhiisto oo waliba eedeyntii Haatuf soo bandhigtey afkiisa ka qirto in lacagta yar ee loogu dhiibey reer shefield ay jirto isku markhaati furey, isagoo midhaa is leh HAATUF god dheer ku rid!.

In Haatuf RUN dadka u soo bandhigtey isagaa u markhaati ah oo saxaafadda horteeda ka caddeeyey, in aanu Jaaliyaddii loogu dhiibey. In ayna gaadhina wey rumowdey oo reer shefield in shilin gaadhin maqal iyo muqaal baan ku aragnaa. Sidaa darteed waxa cadaan ah in:

  1. Mr.Xuseen Lacagtaa iskii ugu takri faley,kuna maqan tahey.

  2. Lacagtaasi hanti ummadeed la xadey tahey (xatooyo xoolo dadweyne).

  3. Wasiirku ka been abuurtey reer Shefield isaga oo aan waxba gaadhsiin.

  4. HAATUF gardaro cad,cadaalad daro iyo xaqdaro, xuquuqdeeda iyo xoriyada looga qaadey laguna tacadiyey.

  5. In wax kasta oo eedayn ahaa ee uu sheegey waxba ka jirin.

 

Haddaba; haddii uu nidaam dawladeed ka jiro Hargeysa waa:

1.In si deg deg ah Haatuf Xoriyadiisa u helaa, Raali galin iyo magdhow la siiyo.

2.In Wasiirka Xilka qaran deg deg looga qaado, maxkamadna la horgeeyo.

    3.In Hanti-dhawrka qaranka lagu amar siiyaa in wasaarada macdanta dib u   baadhis balaadhan ku sameeyo intii uu xilka uu yahey oo dhan.

4. In la laalo(joojiyo) wixii heshiisyo cusub ee uu wasiirku la cid kastoo noqoto, shaqsi,Hayado,Shirkado ( muwaadin ama ajaanib) iyo Dawlado intaba.