Wasiir Cabdi Aw-Daahir Oo U Duur Xulay Hogaanka KULMIYE, Sheegayna In Madaxweyne Siilaanyo Hoggaamiyo Xisbiga

Wasiir Cabdi Aw-Daahir Oo U Duur Xulay Hogaanka KULMIYE, Sheegayna In Madaxweyne Siilaanyo Hoggaamiyo Xisbiga

samale-iyo-muse-biixi

Hargeysa, 17 April 2014 (Saaanmedia.com)- Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir, ayaa shalay madal la is-kugu yimid weedho siyaasaddeed oo duur-xul ah ku ganay Hoggaanka xisbi-xaakimka KULMIYE ee talada dalka haya , isla markaana Guddoomiyaha KULIMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa dareen damqasho leh ka muujiyey dhawaaqa Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ku aadanayd siyaasadeed iyo hoggaaminta xisbiga KULMIYE cidda hagta ee gacanta ku haysa.

Munaasibad xisbiga KULMIYE shalay ku soo dhawaynayey siyaasiyiin ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa, kana soo qayb-galeen hoggaanka KULMIYE iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Ugu horayn waxa halkaas hadal ka jeediyey Wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE uu oday ka yahay Madaxweyne Siilaanyo, wax kastana oo xusbiga isagu fuliyo oo uu yahay damal ay hadhsadaan. “Xisbigu waxa uu leeyahay barnaamij siyaasaddeed oo cad oo astaantiisu tahay horumar, dulqaad iyo inuu ururiyo dhamaan shacabka reer Somaliland. Waxa barnaamijkaas fuliya oo noogu Oday ah hoggaamiyana xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo runtii ah damal la hadhsado oo aanu dhinacyada ka joogno.

Taariikh fog ku lahaa dalkan oo uu maanta ku hagaayo. Waxa u astaan ah afar shay. Dul, damal la hadhsanayo, dun-wanaag iyo inuu dhamaan shacabka reer Somaliland isu-keeno mid galbeed iyo bari joogaba,”Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir. Wasiirka oo arrimahaas ka sii hadlaya waxa uu hadalkiisa sii raaciyey. “Aniga oo muddo dheer saaxiib iyo mucaarid wada ahayn waxa uu doonayaa inuu taariikh uu ka tago, taasoo ah in dalkan laga gaadho horumar iyo midnimo, Somaliland-na ay noqoto dal isku mid ah iyo dad meel u wada jeeda ayuu doonayaa. Haddii xisbigu uu maanta leeyahay u-jeedo waxay ila tahay inaad wax badan ka qaaban kartaan,”ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw-daahir. Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu carabka ku dhuftay xubnaha ku soo biiray, kaas oo tilmaamay in waqtigii hore iska soo hor-jeedeen, waxaanu yidhi,“Ragga halkan fadhiya waynu is garanaynaa oo waa raggii aynu is-kaga soo hor-jeednay siyaasadda. Danta qaranka mid ayaa loo wada yahay, danta qarankana dawlad oo un ayaa maamusha. Shalay UDUB ayaa maamulaysay maanta KULMIYE ayaa hoggaaminaaya.”

Maxamed Kaahin ayaa ku eedeeyay xisbiyada mucaaridka ah inay ka soo hor-jeedaan waxyaabaha wannaagsan, isla markaana waxa uu sheegay in xisbiga uu ka mid ka yahay markii hore waxa wacan ee dawladii UDUB qaaban jirtay taageeri jireen, waxaanu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waa xisbigii mucaaridka ugu muddada dheeraa. Anagu markaanu KULMIYE ahayn waxa la odhan jiray waa qolo gacan kuluul. Waxaanu qirijirnay oo nalooga marqaati yahay xisbigii UDUB markasta oo uu talaabo qaado, talaabada wacan waanu ku taageeri jirnay. Waxaanu ku taageeri jirnay siyaasadda nabadgelyada dalka. Immika qolyahan mucaaridka ah waxyaabo badan ayay sheegaan oo aan dalka u wacnayn.” Maxamed Kaahin waxa uu if-tiimiyey in la is waydiiyo barnaamijkii ku qornaa buuga KULMIYE, waxaanu yidhi, “Xisbiga KULMIYE barnaamij siyaasiya ayuu lahaa oo uu dadka u soo bandhigay, siddeed sanno ayuu arrinkaas sheegaayey. Jawaabta maanta la rabaa waxa weeye KULMIYE barnaamijkiisii siyaasiga ahaa halkuu dhigay.? Geesta kale Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE uu isagu hayo taladii dalka, ka dib markii xisbiyada mucaaridka ah hore u sheegeen in xisbigii dalka loo doortay aanu xukumin, waxaanu yidhi,“Haddii aanu nahay xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba innaanu hayno xilkii naloo igmaday, walina waxaanu isleenahay intaas dedaalka ka sii badiya oo dalka qabyo badan ayaa u taala. Waxaanu doonaynaa innaanu aanu ummadda u qaadnay.

Waayo, beri ayaanu u imanaynaa ummadda oo aanu leenahay balan qaadkii horena wakaas, markaa waxaanu ku dedaalaynaa innaanu dhamayn barnaamijkayagii. Odayga Madaxweynaha ah Waxa ugu wacan orodka badan Saylac ilaa Laas-qoray ee xeebtaas ugu badheedhay waa balan qaadkii uu u qaaday ummadda ayuu fulinayey ,waana hawl u taala dhamaan tayo.” Muuse Biixi waxa uu sheegay in maalmaha fooda inagu soo haya la qaabanayo shir-weynaha xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu xusay in dhamaan yimaadeen ergooyinkuu Goballada oo dhan, waxaanu yidhi, “Nin ayaa halkan igula kulmay oo Wariyaashu iyaga ayaa dadka hadalka u haysta. Waxa uu igu yidhi Waliilkii ma kaa dhamaaday, waxaanu uga jeeday goorma ayaad qaabanaysaa shirkii, mise Aw-koobe ayaanu kugu yeedhnaa ha ku jeexe. Waxaan idiin sheegayaa in shirka la qaabanayo maalmaha fooda inagu soo haya. Waxaana idinku bushaaraynayaa in dhamaan ergadii goballada la soo xareeyay.

Salaanmedia/Hargaysa