Jabuuti: Wada Hadal u Bilaabmay Wasiiro Ka Socda Dawladda Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo.

Jabuuti: Wada Hadal u Bilaabmay Wasiiro Ka Socda Dawladda Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo.

NEWSSS

Hargeysa(Salaanmedia.com) Kooxda Khaatumo oo ka koobnayd siyaasiyiin iyo Garaado ayaa la sheegaya in uu soo dhex galay khilaafkii ugu xumaa, waxaanay go’aansadeen in ay ku kala biiraan Puntland iyo Somaliland
kooxda Khaatumo waxa ugu cudud weynaa dhinaca Garaadada Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Garaad Garaad Jaamac Garaad Cali, kuwaas oo midkood taageersanaa marka horeba Somaliland ka kalena Khaatumo iyo Somaliya.
Cali Khaiif Galaydh iyo Cali Ciise ayaa dhinaca Siyaasiyiintana ugu magac dheeraa, waxaanay labadaas siyaasiba taageersanaayeen ama wada sameeyeen Khaatumo isla markaana waxay Lugta kula jireen Dawladda Federalka Somaliya.
wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in filayaa in kooxda Khaatumo gacanta ku haysa xiligan oo uu hormood u yahay Indho sheel ay ku biiraan Maamulka Puntland, iyadoo ay xoojinayaan Cali Ciise iyo kooxo kale oo ay fikirkaasi ku midaysan yihiin.
Dhinaca kale, waxa saaka wadahadal dalka Jabuuti uga furmay Wasiiro Somaliland ah oo ay ka mid yihiin Xirsi Cali X Xasan iyo C/risaaq Khaliif iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil kaasoo ka soo kicitimay dhinaca Muqdisho.
Garaad Jaamac ayaa shalay ka soo duulay dhinaca Muqdisho halkaas oo uu ka dhacay burburka ay kooxda khaatumo ku kala dhaqaaqday, isagoo Hargeysa Transit ku ahaa isla markaana la hadal hayo in ay wasiiradda Somaliland iska raaceen Hargeysa.
Sidoo kale, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ahaa Madax dhaqameedka ugu culus ee Khaatumo taageersanaa ayaa waxa fikirka Somalilandnimada la qaba Cali Khaliif Galaydh, kaasoo hore wadahadal ula furay Somaliland, dhawaana la kulmay qaar ka mid ah Madax dhaqameedka.
Illaa hada lama oga Heshiiska Somaliland la gaadhi doonto kooxda ay hogaaminayaan Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo kooxdiisu, hase yeeshee sida xoguhu Iftiiminayaana waxa ka go’an in ay Somaliland wax la qaybsadaan.
Kala jabka Kooxda khaatumo ayaa sahlay duulaankii Ciidanka Qaranka Somaliland ku qabsadeen magaaladda Taleex oo xarun u ahayd kooxda khaatumo.
Sidoo kale, waxa uu Duulaankii Taleex saamayn xun ku yeeshay siyaasadda Maamul Goboleedka Puntland iyo ka Dawladda Federalka oo deegaamada Somaliland ee Sool iyo Sanaag ka waday qorshayaal ay doonayeen in ay ku khal khaliyaan Somaliland.
Si kasta ha ahaatee, kala qaybsanaanta Kooxda Khaatumo ama Beesha Dhulbahante waxa ay wax badan ka bedelaysaa xaalada Siyaasadeed ee Somaliland iyo Somaliya, kuwaas oo wadahadalo usocdeen.