Kooxdii Sharaab-doon Ee Ay Horboodaayeen Ahmed Kayse Iyo Mingiste Maxay Ku soo Kordhin Karaan Ama Ka Dheefi Karaan Kulmiyahan-tiisii Cuslaysay.

image
Copenhagen: Taariikhdu waxbay hagataa , dadkuna wuu haybiyaa…..Magaalada Burco oo ah Caasimada Togdheer, runtii waa Magaalo Xadaariya oo ay ka soo jeedaan , dad badan oo qiimo ku leh bulshada ku dhaqan Geeskan Africa ee ay nu ku noolahay waa haday Tahay dhinca Tacliintna, dhinca Fanka iyo Suugaant iyo dhincayo kale oo badan oo iyana Faa’dooyin leh.
Tusaale 1980-tamaadkii waxa magaalo Burco ka jiray kooxo dhalinyaro ah kuwaas oo caan ku ahaa Qook-ka-cayaarka iyo heesha Aroosyada iyo Xafladaha lagu maamuuso. Kooxahaa inta aan ka xasuusto waxa ka mid ahaa 1- Far iyo Suul 2- New love iyo koox iyana la odhan jiray Sharaab-doon….Labada kooxood ee kala ah Far iyo Suul iyo New love waxa ay ahaayeen kooxo miisaan leh oo sharaftooda ilaa shada, meel laga dalbado oo laga soo casuumo mooyaan meel kale may tagi jirin, waxa ay aad u ilaalin jireen Sumcadooda iyo ta Fankaba….. laakiin kooxda la odhan jiray sharaab-doonto sida magacooduba fasilaayo waxa ay ahaayeen koox sanqadh dhagaysiya oo dhinca dhuuniga u janjeedha. Xasuustan iyo tusaalahan waxa igu kalifay maanta mar aan warbaahinta ku arkay koox ay ka mid yihiin Ahmed Kayse iyo Mingiste oo la yidhi kulmiye ku biiray, labada ninba markay Udub afku-xooglayaasha ka ahaayeen waxa ay kula hadli jireen kulmiye luqad Qadhaadh, waxa isu kay qaban la’ Afkii shalay aan wax ku weeraraaya ayaan maanta ku shaxaad tegeyaa.
Kayse iyo Kooxdiisu waxa lagu sifayn karaa Neef baadiya oo seddex sumadood leh…. meela ma sal didhigu, Daraad Udub, shalay Ucid maantana Kulmiyahan-tiisii cuslaysay.
Mar aan waraystay Masuul reer Kulmiye ah oo diiday in aan qoraalka magaciisa ku xuso….. Ayaa yidhi (Timirtii Horeba dab loo waa) waxa uu intaa ku daray masuulku isaga oo leh Kooxdan aad ku sifaysay Sharaab-doontii reer Burco waxba kuma soo kordhin karaan, waxna kama dheefi klaraan Kulmiye, Waayo Kulmiye tiisii ayaa Cuslaysay oo isagii ayaan cagaba ku taagnayn. Ucid-na fil maayo in uu dhitaanyo kooxdan maalinba meel ka onkodaysa.
Osman Abdillahi Sool. Copenhagen. sooldhuub@hotmail.com