Bartomeu: Mess Waa Uu Sii Wadi Doona Hogaaminta Kooxda

Bartomeu: Mess Waa Uu Sii Wadi Doona Hogaaminta Kooxda

Meesi wuu

Inkastoo dhaleeceen badan loojeedinayo Messi hadana hogaaminta kooxda ayuu sii wadi doona sida uu sheegay madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu, xiddiga qaranka Argentina ayaa dhaleeceen farabadan kala kulmayey saxaafada Spain kadib abaar dhanka goolasha so wajahday, Bartome ayaa aaminsan inaysan cadaalad aheen eedeymaha loojeedinayo.
Mar uu waramayey xarunta TV-3 oo katirsan telefashinka Spain ayuu sheegay “Waxaan aaminsanahay inaysan cadaalad aheyn dhaleecenta loojeedinayo Messi, guulo farabadan ayuu kooxda kuhogaamiyey sanadihii tagay, shaki yar iigama jiro inuu kooxda hogaamin doono sanadaha soo socda” wuxuuna kusi daray “Waa ciyaaryahan dhalinyaro ah, waa midka ugu fiican adduunka, kalsooni ayaan ku qabnaa”.
Lionel Messi ayaa dhaleeceen farabadan ujeedineesay saxaafada Spain kadib markii ay Barcelona kahartay koobka horyaalada yurub, Copa Del Rey-na laga qaaday, iyadoo warbixino ay qorayeen lagu sheegay in Barcelona iska iibin doonto xiddigaan oo kasii durqay qaab ciyaaredkii lagu yaqaanay, kooxaha lala xariiriyey waxaa kamid ah kooxda lacagta badan heysata ee PSG, lkn Bartomeu ayaa arrintaas kahadlay “Qandaraaskiisu waa illaa 2018ka, balse heshiis cusub ayaan uso bandhigeynaa”.