Wararkii ugu dambeeyay ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo weeraray Shabaab ku sugnaa duleedka Xudur

Al-Shabab pins Somalia raid on Turkey and UK

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen deegaano hoostaga Degmada Xudur ee Gobalka Bakool, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka weerarkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, Kadib markii shalay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay qabsadeen Gaaridameer raashin uwaday ciidanka Dowladda ee ku sugan Degmada Xudur, kadibna ay gubeen sida uu xaqiijiyay Wariye ku sugan Degmada Xudur.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in xalay dagaal uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Mooragaabeey oo 30-KM dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Xudur ee Gobalka Bakool, halkaasina ay weerareen ciidamada Huwanta.

Ciidamadii Al-Shabaabka ee halkaasi lagu weeraray ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay isaga baxeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Raadiyaha Dowladda.

Wariye ku sugan Degmada Xudur, ayaa soo sheegaya in weerarkii xalay lagu qaaday Deegaanka Mooragaabeey ee Gobalka Bakool uu ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo ilaa hada aan la ogeyn inta uu la eegyahay khasaaraha weerarkaasi dagaalka ah ka dhashay.

Maamulka Gobalka Bakool iyo kan Degmada Xudur weli Faah-faahin kama aysan bixin dagaalka xalay ka dhacay duleedka Degmada Xudur ee lagu qaaday deegaanka Mooragaabeey.

Al-Shabaab ayaa xayiraad kusoo rogtay Degmada Xudur iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobalka Bakool, iyaga diiday in gaadiid ay galaan ayna kasoo baxaan deeganadaasi.

Salaanmedia/Mogdisho