A/rahman Ciro oo helay Sirta ictiraafka Somaliland lagu heli lahaa by Abdi Mustafe

MAQAAL

A/rahman Ciro mar uu ka hadlay xaflad London ka dhacda tii uugu balaadh neyd oo wax kale daayoo Hool ka lagu qabtey uu yahay mid aan hore Somaliyi wax uugu qabsan oo taageera yaasha Waddani soo buuxiyeen ayuu ka sheegay in sharaabka la yidhaa Coca-cola ay tahay sir sida loo sameeyaa. Waa runtii oo ilaa hada sirta sida loo sameeyo Coca-colaha shirkadiisa mooyaane cid kale iyo dal kale oo yaqaanaa ma jiraan ee powderkii oo diyaara oo la isku darey baa aduunka laga iibiyaa. A/rahman wuxuu sheegay in uu sirtii ictiraafka lagu keeni lahaa helay. Waxaan xasuustaa markuu xisbigiisu ahaa uruka ayaa dadku waxay odhan jireen ninkan baa u eeg mid icitiraaf keeni kara. aleylehe anigana wey ila tahay in ictiraafka Somaliland uu Ciro ku guuleysan karo. Labada siyaasi een cidna aflagaadeyn cidna eed ka gelin ayuu ka mid yahay. Mid waa Hassan Isse Jama iyo A/rahman Ciro. Waa siyaasi qunyar socod ah diplomaci gana kuba soo shaqeeyey oo yaqaan jaran jarada loo maro oo shaki kuma jiro haduu ku guuleysto Kursiga dalka uugu sareeya in wax yaaba badani Somaliland iska bedeli doonaan dhinaca dhaqaalaha, nabadgelyada iyo ictiraafkaba.

Xukuumadihii hore mid waliba wax bay soo qabatey in ay leegtaba wuxuun baa inoo hadhey icitraaf isna halyeyga A/rahman Ciro ayeynnu ka sugeynaa in uu soo saaro.

Xukunka maanta Somaliland ka taagan waa cad-ceedaa sii dhacaysa oo waxaan ba u saari lahaa heestii:

waadigan se liitee leexadu ku sidatee hadba laan cuskanayee.

Libaanteed aduunyada nina laasan maayee maxaa lurey naftaadii.

Dhalinyaradana waxaan odhan lahaa Kulmiye wuu tegayaa ha tahriibina.

Abdi_mustafe123@yahoo.com