“Xasan Gaafaadhi Dhawaaqiisu waxa uu khilaafsan yahay Go’aankii Guddiga Turxaan Bixinta”

“Xasan Gaafaadhi Dhawaaqiisu waxa uu khilaafsan yahay Go’aankii Guddiga Turxaan Bixinta”

Xildhibaan warfaafintaHargeysa (SM)-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa Tallaabo khaldan ku tilmaamay dhawaaqa ka soo yeedhay Xasan Gaafaadhi oo shaaciyay in uu tartamayo jagada Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga, waxaanu tilmaamay in arrintaasi ay khilaafsan tahay heshiiskii guddiga turxaan bixintu soo saareen oo xisbigu isku waafaqay.

Xildhibaanka oo xalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa sheegay hadalka Xasan Gaafaadhi aanu ahayn mid daw ah, isla markaana looga baahan yahay inuu ka noqdo dhawaaqiisa oo uu xusay inuu muran hor leh soo noolayn karo.

“Waxaad maqlayseen in muddo badan xisbigu isjiid-jiidanayay oo shirweynihii dhawr jeer dib u dhacay, waxa jiray inay Samaale iyo Muuse Biixi oo khilaafka xisbigu gaadhay heer xisbigu laba u kala qaybsamo, markii dedaal badan la sameeyay, waxa loo saaray khilaafkii guddi uu Madaxweynuhu magacaabay, guddidaas markii ay muddo waraysanaysay xisbigii waxay soo saareen qoddobo la yidhi hoggaanka xisbigu sidiisii ha ahaado shirweynahana laguma soo dooranayo hoggaan xisbi ee waxa dib loogu soo dooranayaa Hoggaanka xisbiga oo kala ah Gudoomiyaha, afarta Guddoomiye Ku xigeen iyo Xoghayaha Guud,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamuud Jaamac.
Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in Go’aamadii Guddigii turxaan bixinta aanay madaxda KULMIYE wada jeclaysan, waxase uu ku dooday inuu ahaa Go’aan meesha ka saaray khilaafkii jiray, waxaanu yidhi “Arrintaa rag badan oo xisbiga ka mid ah aad uma ay jeclaysan, laakiin waa wax lagu heshiiyay oo xal loo arkay, umaddana dhibkii ku taagnaa qaaday.”
“Waxa jira in Xasan Gafaadhi oo ahaa Guddoomiyihii ururkii la odhan jiray Rays uu maalin dhawayd uu sheegay in uu yahay musharax u taagan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye arrintaasi way ka horimanaysaa go’aankii gudidu soo saartay, mana wanaagsana wax la isla ogolaaday oo xisbi dhan iyo xukuumadiisu isla ogolaadeen oo xal loo arkayay oo markii ay taagnaydna aanu ka hadal wixii imika laga la yidhaahdaa ma wanaagsana. Waxaan u arkayaa in dhawaaqa Xasan uu xiligan shirweynihii dhawaan la qabanayo uu hurinayo khilaaf hor leh, iyadoo hore loo soo xaliyay khilaafkii jiray. Arrintani waxay hiyi kicin doontaa dad hore u qancay oo heshiiskan aqbalay,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamuud Jaamac.

Xildhibaanku waxa uu xusay in hadalka ka soo yeedhay Xasan Gaafaadhi aanu ahayn mid la aqbali karo, waxaanu yidhi “Umalayn maayo in ajandaha shirka ay ku jiri doonto wax doorasho la yidhaahdo, markaa waxay iila muuqanaysaa in Xasan tiisu macquul noqonaynin, isaga laftiisana aanay u wanaagsanayn inuu deg-dego maadaama oo uu xisbiga KULMIYE dhawaan ku soo biiray.waxay ahayd in waxa xisbiga oo dhami isku raacay inuu u hoggaansamo.”

“Xasan xilkan uu leeyahay waan u tartamayaa waxa jooga Maxamed Kaahin oo aan anigu u arko inaanu munaasib ku ahayn gudoomiye ku xigeenkuba, waayo waa nin weyn oo mujaahid ah oo waayo arrag ah, waana isku reer Xasan, markaa waxaan ugu baaqayaa inuu ka noqdo hadalkan ka soo yeedhay maadaama oo aanu ka hadal markii Guddiga turxaan bixintu ay shaacisay qoddobadii ay ka soo saareen khilaafkii xisbiga,”ayuu yidhi Xildhibaan Warfaa.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN