Gudomiyaha Xisbi Mucaaridka WADDANI Cabdirahmaan Ciro Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Finland Si Balaadhana Loogu Soo Dhoweeyay

Gudomiyaha Xisbi Mucaaridka WADDANI Cabdirahmaan Ciro Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Finland Si Balaadhana Loogu Soo Dhoweeyay

Wdni 1

Hargeysa(Salaanmedi.com)Apr.23.2014-Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa Xalay 23.4.14 ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Finland ee magaalada Vaanta airport, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen gudida fulinta, gudida dhaqaalaha iyo gudida guurtida ee Xisbiga Waddani laantiisa Finland. Inkastoo xalay goor dambe gudoomiyuhu soo caga dhigtey, hadana waxa halkaasi si heer sare ah u soo dhaweeyey taageerayaasha xisbiga. Gudoomiyuhu inta uu joogo Finland waxa uu ka qayb geli doonaa shiraar badan oo ay soo odorosayaan Jaaliyadda Somaliland ee Finland iyo xisbiga Waddani ee Finland. Waxa kale oo uu ka qayb geli doonaa shir sanadeedka ay soo adorosayaan ururka ku bahoobay qurbojooga Somaliland ee Yurub Somaliland Society Europe ee SSE

Wadani 3

Si kastaba ha haatee, xalay soo dhaweyntii gudoomiyaha ee Garoonka caalmiga ee Finland waxay ku dhacdey jawi aad u wanaagsan oo si heer sare ah loo soo agaasimay , loogana shaqaayey ee gudida Fulinta Xissbiga ee Finland ka soo shaqaysey. Waxayna ku dhamaatey soo dhaweyn sharaf iyo maamusidi ku dheehnayd.

Wdni 2