Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Boqolaal Muslimiin Ah Lagu Dilay Koonfurta Suudaan Oo Ay Ka Socdaan Dagaalo Xoogani

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Boqolaal Muslimiin Ah Lagu Dilay Koonfurta Suudaan Oo Ay Ka Socdaan Dagaalo Xoogani

UnitedNations1

(Salanmedia.com)Apr.23.2014-Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa ay ku sheegtay in ilaa 200 OO Muslimiin ah lagu dilay koonfurta Suudaan oo ay ka socdaan dagaalo xoogan waxaana ay dalbatey in baaritaan lagu sameeyo xasuuq ka dhacay Suudaanta Koonfureed todobaadkii la soo dhaafey.

In ka badan 200 oo qof oo rayid ah ayaa waxaa xasuuq sinji tir-tir ah u geystey malayshiyaad daacad u ah madaxweyne ku-xigeenkii hore, kuwaas oo la wareegey maamulka magalaada saliida leh ee Bentiu.

Dadka la xasuuqery ayaa la sheegayaa in ay gabaad ka dhigteen, Masaajid iyo Isbitaal. Sida laga soo xiganayo Qaramada Midoobey sababta loo diley dadkaan waa qawmiyadda ay ka soo jeedaan keliya.

Xasuuqan ayaa lagu tilmaamey kii u xumaa ee ka dhaca halkaas tan iyo markii ay dagaaladu ka bilowdeen Suudaanta Koonfureed.

Dagaalada iyo xasaradda ka taagan Suudaanta Koonfureed ayaa bilowdey sanadkii hore 2013, kadib markii la isku dayey in la inqilaabo Madaxweynaha dalkaas Salva Kiir. Dad ka badan Nus malyuun qof ayaa lagu khasbey in ay ka baxsadaan guryahooda si ay uga badbaadaan dagaalada.

Dagaalka ayaa isu beddalay mid u dhexeeya labada qawmiyadood ee Dinka iyo Nuer ee ay ka soo kala jeedaan Madaxweyne Salva Kiir iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Machar.

Salaanmedia/Hargaysa