Hargeysa: Taliyaha Ciidamada Booliska Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Shilalkii Gaadiidka Ee Dalka Ka Dhacay Sanadkii Tagay

Hargeysa: Taliyaha Ciidamada Booliska Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Shilalkii Gaadiidka Ee Dalka Ka Dhacay Sanadkii Tagay

janaralaal

Hargeysa (Salaanmedia.com) – Iyadoo lagu jiro ololaha isbuuca ee Qaramada midoobey ee badqabka wadooyinka, ayaa Somaliland, waxaa laga soo sheegayaa inay aad u bateen shilalka ay gaadiidka geystaan
Shilalka gaadiidka ee ka dhacay gobollada Somaliland sanadkii 2013 ayaa lagu qiyaasay 2374 shil, waxaana ku dhintay 130 qof , dhaawaca ayaa gaarayo 1433 qof . Shilalka baabuurta ee saddexda bilood ee sanadkan 2014 waa 648 shil oo ay ku dhinteen 20 qof kuna dhaawacmeen 443 ruux . Sidaana waxaa BBC u sheegay taliyaha guud ee ciidanka boliiska Somaliland general Cabdillaahi Fadal Iimaan. Taliyha wwaxaa kaloo intaa uu ku daray in sanadkii
2013 shilalkaasi baabuurta ku burburtay ay gaarayaan 1596 gaadhi. Xoolo nool oo dhan 516 ayaa ka mid ah noolaha ku dhintay shilalka. dhismayaal gaadhaya 133 ayaa sidoo kale ku burburtay shilalkaasi . bilaha January ilaa March 2014 shilalkaasi waxaa ku burburay gaadiid dhan 414. iyadoo xoolo nool oo ku dhow konton neef (50) iyo dhismayaal gaadhaya 26 ku burbureen. Boliisku waxay sheegeen in sababaha ugu badan ee keena shilalka gaadiidka Somaliland ay yihiin telifoonka mobile-ka oo dareewalladu isticmaalaan iyagoo gaadhigiina wada, xawliga loo wado gaadhiga iyo taxadar la’aan . Waxaa ugu badan ee keena shilalka waa gaadiidka yar-yar iyo gaadiidka waaweyn ee gobollada isaga goosha . Boliiska ayaa dhowaan ka hirgeliyay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland gaadiidka boliiska ee gurmadka degdega ah ee loo yaqaanno 99. Dadka ayaa ku eedeeya booliiska traafikada inay debecsanyihiin iyo in liisamada gaadiidka lagu wado si fudud lagu helo. Hase-yeeshee taliyaha guud ee booliiska General Fadal ayaa u sheegay BBC-da in booliiska gutaan hawshooda laakiinse aan khaladaad aysan meesha ka marneyn. wuxuu sheegay in haatan la adkeeyay qaadashada ruqsada wadidda gaadiidka