Meelaha Ay Kukala Badin Karaan Real Madird V Bayern Munich

Meelaha Ay Kukala Badin Karaan Real Madird V Bayern Munich

Real-Madrid-v-Bayern-Munich-446x319-419x300

Meelaha Ay Kukala Badin Karaan Real Madird V Bayern Munich.
Macalinka reer tayaani Carlo Ancelotti ayaa aad ugu tiirsan ciyaaryahanka kuguuleestay laacibtinimada adduunka sanadi tagtay ee Cristiano Ronaldo, ciyaaryahankan ayaa dhaliyey 14-gool isagoo bareejeeyay Laacibka Argentina Leonel Messi oo Barcelona udhaliyey 2011-2011, iyo laacibka reer Brazil Jose Altafini oo Milan udhaliyey 1962-1963, Ronaldo wuxuu fursad uheystaa inuu dhigo rikoorka (laacibka goolasha ugu badan dhaliyey Championka hal xilli ciyaareed).
Sido kale Ancelotti ayaa uriyaaqsan qaab ciyaareedka fiican uu kunaaloonayo ciyaaryahanka reer Argentina Angel Di Maria, laacibkaan ayaa soo bandhigayey qaab ciyaareed heer sare ah xilli ciyaareedkaan oo dhan isagoo dadaal badan muujinayey intii uu kooxda kamaqnaa Ronaldo.
Dhanka kale Pep Guardiola ayaa kulaso noqonaya kooxda reer Germany Santiago Bernabeu isagoo aan dhinac dhulka loodhigin intii mar uu hore uyimid, macalinkii hore ee Barcelona 15-mar uu kahor imaaday kooxda Los Blancos 2-mar kaliya ayaa laga badiyey (9badis iyo 3bareejo), oo ay kujirto (2-0)kii ay Barcelona uga badisay Semi-Final kii 2011.
Bayern ayaa kutiirsan ciyaaryahanka reer France Fran Ribery, Netherlandese ka Arjen Robben, Tomar Muller, iyo Tony Kroos iyo xiddigaha kale ee uciyaara kooxda, waxaana dhaawac uga maqan kubad qaabeeyaha Thiago Alcantara, waxaa dhaawac kaso noqon doona goolhaye Manuel Nueuer, iyo daafac garab David Alaba.
Karl-Heinz Rummenigge oo kujiro ciyaaryahanada ugu goolasha badan Bayern, hadana kujiro maamulka kooxda oo kahadlayey kulanka wuxuu yiri “Ugu yaraan waa inaan gool dhalina kahor kulanka Allian Arena, Madrid waxaa nalooga yaqaana (Dibigii Madooba), waa inaan tusinaa in dibigii madooba soo noqday”.
Tirakoob Kusaabsan Kulankaan:
Bayern 9kii kulane udanbeesay wareegyada Knockout midkoodna lagama badin.
Real Madrid 17kii kulane udanbeesay gurigeeda 15-kamid ah ayey badisay halka 2-mar kaliya barbaro gashay, waxaa udanbeesay guuldaradi (0-2) ee Barcelona kaso gaartay 2011.
Carlo Ancelotti ayaa markii 5aad leylinaayo Semi-Final ka koobkaan, 4-mar oo Milan lajoogay, iyo midkaan.
Pep Guardiola ayaa markii 5aad leylinaayo Semi-Final ka koobkaan, 4-mar oo Barcelona lajoogay, iyo midkaan.